Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Oo Cabasho Ka Muujiyay Falalka Ciidamada Kenya

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Oo Cabasho Ka Muujiyay Falalka Ciidamada Kenya.
Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa waxa ay ka cawdeen falalka ciidamada waddanka Kenya ay kula kaceen Shirkadda Isgaadhsiinta ee Hormuud oo ay ka burburiyeen xarumo badan.

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Cabdinuur Axmed Diirieye ayaa sheegay in dhamaan waxgaradka iyo waayeelka Beelaha Hawiye iyo dhammaanba shacabka soomaaliyeed ay aad uga xunyihiin weerarkii dhawaan Ciidamada kenya ku qaadeen xarumaha Shirkadda isgaadhsiinta Hormuud.

Afhayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in Qoraal cabasho ah oo ka dhan ah ciidamada Keny ay u gudbiyeen dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in falka ay ciidamada Kenya kula kaceen Shirkadda Hormuud ay tahay xadgudub loo geystay hantida dadk Soomaaliyeed.

Shirkadda Hormuud ayaa dhawaan waxa ay sheegtay in ay ku khasaartay Nus Milyan Dollar 6 xarumood oo ay ka burburiyeen ciidamada Kenya.