Shabakada Google oo Dabagal Ku Samayn Doonta Cidii Iska Qarisa.

Shirakadda google ayaa diiwaan galinaysa goobaha dadka isticmaala ay ku suganyihiin xitaa hadii ay ogolayn iyaga, warbixintaasi waxaa tabinaysa wakaaladda wararka ee AP.

Arrintaan ayaa saameeyn doonto laba bilyan oo ah telefoonada Android iyo Apple, kuwaasi oo isticmaala qariiradda shirakadda Google.

Waxaa sidoo kale arrintaan ka cadhooday baarlamanka Mareykanaka.

Shirakadda google oo ka jawaab celineyso xaaladan ayaa sheegtay in dadka ay bareyso sida la iskaga xidho meesha uu qofka ku suganyahay .Balse waxaa la sheegayaa in xitaa hadii aad telefoonkaaga ka xidhto goobta aad sugantahay la diwaan galinayo halkii aad ku sugnayd.

Sidee looga badbaadi karaa shaacinta gooobta aad ku sugantahay?

Si dadka loogu faah-faahiyo saameynta ay leedahay arrintan, wakaaladda AP waxa ay sameysay qariirad muujinaysa dhaq-dhaqa uu sameeyay Gunes Acar oo ah cilmi baadhe, kaasi oo isticmaalayay teleefoon Android ah, waxa uuna iska damiyay aaladda sheegaysa halka uu ku suganyahay.

Qariradda ayaa muujinaysay tareenkii uu saarnaa oo ku sugan agagaarka magaalada New York iyo sidoo kale booqasho uu ku tagay suuqa Chelsea. Waxa sidoo kale ay qariiradda muujinaysa adareeska gurigiisa.

Si dadka ay u joojiyaan diwaan galintan shirakadda Google waa in ay damiyaan aalado kale oo lagu magacaabo Web iyo ficilka App, kuwaasi oo hadii aad xirto aanan muujinayn halka aad ku sugantahay.

Daminta aaladahaasina waxa ay saameyneysaa warbixinada ay kaydiso shirakadda Google.

Kadib markii wakaaladda ay sameysay baarintankeeda waxa ay soobandhigtay hab dadka isticmaalala qariiradda Google ay isaga masixi karaan macluumaadka goobta ay ku suganyihiin.

Kadib markii AP ay soo bandhigtay cadaynteeda, senetar ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa shirakadaha technology-yadda ku eedeeyay in ay sameeyaan ficillo ka careeysiiya macaamiisheeda.