Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Lagaga Dooday Qodob Ku Saabsan Waxsoosaarka Beeraha Iyo Sidii Isku Filaasho Dalku u Gaadhi Lahaa.

WAR-SAXAAFADEED

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Waxa Maanta Oo Khamiis Ah Dirada Lagu Saaray Wax-Soo-Saarka Beeraha, Si Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Isku Filaansho Uga Gaadho Dhinaca Wax-Soo Saarka Dalagyada Kala Duwan Ee Beeraha.

Hargeisa(GNN):-Kal-fadhigii 18-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta  oo ay taariikhdu tahay (09/08/2018), waxa dirada lagu saaray wax-soo-saarka beeraha, si dalka Jamhuuriyadda Somaliland isku filaansho uga gaadho dhinaca wax-soo saarka dalagyada kala duwan ee beeraha.

Tan iyo intii ay xukuumaddu talada dalka la wareegtay waxay ku hawlanayd sidii looga midho dhalin lahaa wax soo saarka beeraha, qarankuna u gaadhi lahaa isku filaansho dhinaca wax soo saarka dalagyada kala duwan ah, looguna dhiirrigelin lahaa bulshada Somaliland inay iskaashi ka sameeyaan dhanka wax soo saarka beeraha.

Xukuumaddu iyadoo maanka ku haysa sidii loo yarayn lahaa ku tiirsanaanta cuntooyinka dibeda inooga yimaadda, waxay qaadday tallaabooyin lagu bilaabayo mashaariic wax soo saar oo gudaha dalka ah, kuwaas oo laga hirgeliyey, banka wax soo saarka beeraha ee Wajaale oo hadda si fiican socda. Haddaba si halkaasi looga sii anba qaado dedaalka iyo ka midho dhalinta himilada wax soo saar ee qaranka, waxa Toddobaadkan gudihiisa laga bilaabayaa mashruucii labaad oo dhan 900 oo higter banka Xaaxi ee deegaanka Oodweyne.

Dhanka kale iyadoo xukuumaaddu gacan siinaysa beeralayda reer Somaliland waxay hore ugu caawisay 9,000 oo qoys, qodaal saddex saacadood ah oo lacag la’aan ah, si loogu jiheeyo wax soo saarka dalka, shacbi iyo xukuumadna laysaga kaashado isku filaanshaha wax soo saar ee qaranka.

Ugu danbayn golaha wasiirradu, waxay shacbiga reer Somalialnd ku dhiirigelinayaan inay gacmaha isu qabsadaan wax soo saarka iyo horumarka dalka, si loo gaadho isku filaansho, maalkooda iyo maskaxdoodana u huraan maalgashiga dalka.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.