Somaliland-Halkan Ka Dhegayso-Ehelada Maxaabiis Cunto Joojin Sameeyey Oo Ka Waramay Xaalkooda.

Maxaabiis ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa oo maalmihii u dambeeyay cuntada ka soomay, isla markaana qareenada u doodayaa ay sheegeen in ay qaarkood xanuusanayaan, ayaa qaar ka mid ah eheladoodu ay VOA uga warameen xaaladdooda.

Ehelladan ayaa sheegay in inkastoo ay maxkamadi xukuntay, kuna qanacsanaayeen, haddana cafis uu madaxweyne Rayaale u fidiyay darteed la gaadhay wakhtigii la sii dayn lahaa.

Cafiskaas ayaa madaxweyne Rayaale kala noqday markii dambe. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo la kulmay qaar ka mid ah ehellada dadkan xidhan, ayaa ugu horreyn waxa uu waydiiyay siday u arkaan in xadhigooda.