Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Breaking News(Video)-Xildhibaano ka Tirsan Puntland oo Gudbiyey Mooshinka dhan ah Shirkadda DP World

Garoowe(GNN):-Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ka aqbalay mooshin ka dhan ah Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo dhisaysa Dekedda Boosaaso.

Baarlamaanka Puntland ayaa gudbiyey Mooshin ka dhan ah shirkada P & O oo qeyb ka ah DP WORLD, horeyna loogu wareejiyey dekeda magaalada Boosaaso.

Mudanayaasha oo mooshinkooda u gudbiyey guddoonka golaha ayaa ku sababeeyey in ay shirkadan ilaa hadda waxba ka qaban xaaladda Dekeda Boosaaso, una muuqato in ay u haysato sidda ay sheegeen Dano siyaasadeed.

Xildhibaanada Puntland ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay raaceen go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka uga mamnuuceen in ay ka Shaqeyso dalka Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta,isla markaana dekada Boosaaso ay ku maamusho sisharcidarro ah.

Tiradda Xildhibaanada Mooshinka gudbisay ayaa ah 21 xildhibaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo la hadlay wariyayaasha ayaa sheegay in talaabada ay mooshinka ku keenen ay ka dambeysay markii ay mudo labo sanno ah ka war sugayeen DP WORLD iyo shirkadeeda yar ee P & O in ay meelmariyaan waxyaabihii lagu heshiiyey.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Xidhibaanadan Mooshinka Ka Gudbiyey.

%d bloggers like this: