Xisbiga Waddani: Wasiirka Arrimaha Dibada In Xilka Laga Qaado Ayay Ahayd.

Faadumo Siciid oo ka tirsan saraakiisha xisbiga mucaaridka Waddani ee Somaliland oo maanta kullan warbaahineed ku qabatay Hargeysa waxay sheegtay in xisbiga Waddani soo dhaweynaayo xil ka qaadista Amb. Baashe Cawil Cumar safiirka Somaliland u fadhiya Imaaradka oo madaxwaynaha Somaliland shalay u bedelay dalka Kenya.

Faadumo Siciid waxay kale oo sheegtay in xisbiga Waddani aamisan yahay in Baashe Cawil sameeyey khaladaad badan muddadii uu xilka hayey horena ka xisbi ahaan ay madaxwaynaha ugu baaqeen in uu xilka ka qaado. Faadumo Siciid waxay hadalkeeda ku dartay in shirkad gacansi oo ay wadda sameysteen Baashe iyo Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibada oo magaca qaranka Somaliland lagu diiwaan galiyey ay khalad weyn ahayd – waa sida ay hadalka u dhigtee.

Geesta kale Faadumo waxay sheegtay in rajeynayaa in Sacad Cali Shire wasiirka wasaaradda arrimaha dibada xilka laga qaado – maadaama ayay tidhi ” Sacad qeyb ka ahaa tallaabooyin xun xun oo qaran dumis ah”.

Ugu danbeyntiina wasiirka arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire muddooyinkii u danbeeyey waxa xisbiyada mucaaridka ah iyo qeybo bulshada ah uga imanayay dhalliilo, iyadoo loogu baaqay tiraba dhowr jeer in uu xilka iska casilo maadama oo uu ku fashilmay arrimaha wasaaradda dibada – waa sida ay qabaan dad badani iyo xisbiyada mucaaridkuba.

Sacad ayaan isagu weli wax jawaab ka bixin dhalliilaha loo jeedinaayo.