Xukuumadda Oo Joojisay Dhismaha Rugtii Akhriska Ee Gaandi Oo Xukuumadii Hore Ee Siilaanyo Siisay Ganacsade Caan Ah

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta hakisay Dhismaha Xaruntii Hore ee Maktabadda Gaandi oo ku taalla gudaha Magaalada Hargeysa.

Dhismaha xaruntan oo ay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku wareejisay Ganacade Ilma Xarbi ayaa waxa la go’aamiyay in la hakiyo.

Si faahfaahsan xukuumaddu wali war ugama soo saarin hakinta dhismaha xaruntaasi, hasayeeshee waxa ay u badan tahay in xukuumaddu ay damacsan tahay in ay dib ula soo noqoto hantida dawladda ee ay xukuumadii hore bixisay.

Todobaadkii ugu dambeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qaaday tallaabooyin uu gacanta dawladda dib ugu soo celinayo xarumo muhiim ah kuwaas oo isugu jira dhismeyaal iyo shirkaddo gaar loo yeeshay.

Waxa gacanta dawladda Dib loogu soo celiyay Kaydka Haamaha Shiidaalka Berbera iyo waaxda amniga Ee Madaarka Hargeysa, halka hudheelkii Hargeysa Club oo isna xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ay siisay Suldaan Siciid Yuusuf la hakiyay dhisme ka socday.