[Deg Deg] :- Golaha Wasiirada Puntland Oo Maanta Markii Ugu Horeysay Shirkoodii Khamiis Laha Ahaa Ku Yeeshay Magaalada Badhan Ee Gobalka Sanaag .

Badhan (Ilays-News):- Golaha Wasirrada Puntland ayaa

maanta markii ugu horraysay shirkoodii khamiis la’ ahaa ku yeeshay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

 

shirka oo uu shirguddoominayo madaxweyne Gaas, ayaa la filayaa in goor dhaw laga soo saaro war murtiyeed.

Somaliland ayaa maalintii shalay canbaaraysay socdaalka madaxweynaha Puntland ee Badhan oo ay ku tilmaantay xad-gudub.Iyo In Lagu Soo Xadgudbay Ciida Somaliland,

Isla magaaladda Badhan waxaa ka dhici doona shirka gudiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland, maadama  ay magaaladaas ku sugan yihiin gudigii joogtada ahaa ee Baarlamaanka.

Dadka reer Sanaag ayaa siweyn Oo Kala Aragti Duwan Uga Hadlay  booqashada uu Dr Gaas ku tegey Gobalkaas, waana markii ugu horeysay oo wafti heerkan ahi uu gaaro magaaladda Badhan inta la xasuusan yahay.

GABILEY.NET