Boqorka Sucuudiga Oo Martiqaad Gaar Ah U Diray Madaxda Itoobiya Iyo Eritrea + [ Maxay Ka Wada Hadli Doonan ]

Jeddah. (GNN):- Boqorka Sucuudiga Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa martiqaad gaar ah u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maalinta Axada si wadajir u tagi doona magaalada Jeddah.

Ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan Caasimada Riyadh ee Sucuudi Carabiya ayaa waxay xaqiijinayaan in Magaalada Jeddah ee ku taalla xeebta Badda Cas uu ka dhici doono shir madaxeed seddex geesood ah oo dhex mari doona Sucuudiga, Itoobiya iyo Ereteriya.

Inta shir madaxeedku socdo labada dhinac ee Itoobiya iyo Eritrea ay kala saxiixan doonaan heshiis nabadeed, iyadoo kulanka ay goobjoog ahaan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis iyo Dhaxalsugihiisa Amiir Maxamed bin Salmaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa bishii hore socdaal ku tagay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, waxaana socdaalkiisa la xiriiray arrimaha heshiiska nabadda ee labada dal iyo iskaashiga ka wada dhaxeeya.

Doorka Sucuudi Carabiya ku lahaa is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, waxaana la sheegaa in Sucuudiga ahaa maskaxdii ka dambeysay ee heshiiska Eritrea iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa markii u horeysay maalmo ka hor sheegay in Sucuudiga uu kaalin ku leeyahay dib u heshiisiinta dalalka Eritrea iyo Jabuuti oo u dhaxeysay colaad muddo toban sano soo socotay oo ka dhalatay muran dhuleed xuduudka labada dal ay wadaagaan.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay si weyn u saameysay is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika, hadana waxaa aad u yaraa doorkeeda arrimaha is bedelada, inkastoo dhowaan heshiis saddex geesood ahaa ay Asmara ku kala saxiixdeen Madaxda dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Bishii July ee la soo dhaafay ayay aheyd markii sidan oo kale magaalada Abu Dhabi uu ka dhacay shir madaxeed seddex geesood ah oo u dhaxeeyay Itoobiya, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta.