Daawo Dugsiga Hoose Dhexe Ee Shekh Muxumed Warsame Oo Shahaadooyin Magaalada Gabiley Ku Gudonsiyay Ardaydii Kaalmaha Hore Galey

Gabiley(GNN)Dugsiga Hoose Dhexe Ee Shekh Muxumed Warsame Waa Dugsi Taarikh Facwayn Kuleh Magaalada Gabiley Iyo Guud Ahaanba Gobolka,Waxa Ka Aflaxey Aqoonyahano Hogaamiyayaal Siyaasiyiin Iyo Rag Misaan Culus Kuleh Gayiga Somaliland,Dugsiga Hoose Dhexe Ee Shekh Muxumed Warsame Waa Dugsi Soo Jireena Oo Marba Arday Cusub Waxka Baranayeen, Maanta Waxa Dugsiga Loo Qabtey Munaasibad Siwayn loo Soo Agaasimey Oo Laguso Xidhyay Sanad Dugsiyeedkii 2017 Iyo 2018 laguna Furayay Sanad Dugsiyeedka Cusub Ee 2018 Iyo 2019, Sido Kalena Waxa Shahaadooyin La Gudoonsiiyay Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaankii Snad Dugsiyeedkii Hore, Ardayda Ayaa Iyana Gestooda Waxey Shahado Sharaf Gudoonsiiyeen Macalimiinta Waxka Dhiga Dugsiga, Xafladan Waxa Kaso Qaybgaley Masuuliyiinta Ugu Sareeya Waxbarasahda Gobolka Waalidiin Uqaal Ururada Bulshada Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Waxana Ugu Horeyn Daah Furey Ujeedka Xaflada Iyo Sooyaalka Taariikheed Ee Iskuulka Maamulaha Dugsiga  Cabdilaahi Cali Axmed,Oo Markii Uu La Wareegay Talada Iskuulka Kor Uqaaday Soona Celiyay  Sharafti Iyo Sumcadii La Majeeran Jirey Ee Dugsiga Shekh Muxumed Warsame Uu Caanka Ku Ahaa,

Dhamaan Masuuliyiintii Madasha Ka Hadlay Ayaa Dhamaantood Maamulaha Dugsiga Uga MahadNaqey Hormarka Baxadaleh Ee Uu Ka Sameeyay Iskuulka Sido Kalena Faahfaaiyay Taarikhda Gaamurtay Ee Dugsiga Hoose Dhexe Ee Shekh Muxumed Warsame,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET