Daawo-Horjooge Cabdi Wale Gaas Oo Aflagaado Qaawan Kula Kacay Shacabka Ku Nool Gobolada Dhexe Baay iyo Bakool Somalia.

Muqdisho(GNN):-Madaxweynaha Mamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, oo uu booqasho ku joog, ayaa ku gafay oo aad u liiday dadka kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, sida ku cad muuqaal laga duubay baraha bulshada lagu baahiyey.

“Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo qaba kaba dacas ah inuu dalkayga iigu yimaado, iguna xukumo ma aqbali karo mana dhici doonto” ayuu yidhi Cabdi Weli Gaas, oo sida muuqata liidaya Aflagaado iyo deelqaafna kula kacaya dadka dega gobollada Baay iyo Bakool.

Inkasta oo uusan Gaas sharxin waxa uu ula jeedo hadlakiisa, haddana waxaa loo qaatay inuu ula jeedo xubnaha Shabaab ee deegaanada Puntland ku sugan.

Hadalka Gaas, ayaa waxaa aad u dhaliilay qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, oo qoraallo jawaab ah soo dhigay facebook, waxaana ka mid ah xubno ku jira dowladda Soomaaliya

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Aadam Isaaq ayaa yidhi “Wax la aqbali karo ma aha cunsuriyada iyo kala saarida uu ku kacay Cabdi weli gaas. Ogoow wiilka ka yimid xudur iyo buur-hakaba ma aha ajinabi, mana uusan aadin wadan kale. Hubaal shacabka sharfoon ee Puntland lama qabaan erayada gafka ah. Ninkii kala saar lahaaw, Ninkii kala sooc wadoow, Ninkii si xun u fekeroow. Gaas ku baranay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Aflagaadada ah ee Shacabka Baay iyo Bakool uu Kula Kacay Horjooge C.wali Gaas.