Daawo Mid Ka Mida Ciyaartooyada Kubada Cagta Gobolka Gabiley Oo Magaalada Gabiley Ka Sameystey Goob Baabuurta Lagu Maydho

Gabiley(GNN)Badri Maxamed Muxumed Wuxu Magaalada Gabiley Ka Furtay Goob Lagu Maydho Baabuurta Iyo Bajaajyada Oo Uu Ugu Magac Darey Nadiif Car Wosh, Shaqadan Waa Shaqo Sahlan Oo Uu Iskii U Abuurtay Balse Dhalinyaro Badan Kuma Dhiradaan Shaqadan Oo Waxey U ARkaan Shaqo Hooseysa Oo Ay Saluug Ka Muujiyaan, Wiilkan Dhalinyarada Ah Ayaa Maskaxdiisa Ka Keenay In Uu Xirfadan Shaqo Abuur Magaalada Gabiley  Ka Hirgaliyo Si Qoyskisa Ugu Maareeyo, Bulshada Magaalada Gabley Aad Iyo Aad Ayay Uso DHaweysay Shaqadan Waxeyna Ku Tilmaameen Dariiq Dhalinyarada Ka Badbaadinaya Walbahaarka Shaqo La,Aanta Ah Iyo In Ay Ujarmaadaan Dhanka Iyo Liibiya,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Badri Maxamed Muxumed Oo uwaramayay Shabakada Gabiley.net Ayaa Sharaxaad Iyo Tafaasiil Ka Bixiyay Shaqadan Baydhista Baabuurta Iyo Qaabka Uu Qorshahan Uhirgaliyay, Daawada Iskuday In Aad Si iskaaya Usameysato Shaqo Abuur  Noockasta Ha Ahaatee Hana Ka Xishoon Xirfad Kasta Oo Aad Noloshada Ku Maareynaso, Dhiirigalina Qofkasta Oo La Yimaad Xirfad Shaqo Abuur,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET