Deg Deg Daawo Magaalada Arabsiyo Oo Laga Hirgalinayo Wadooyin Rooga Iyo Bulshada Arabsiyo Oo Umahadnaqey Dawlada Hoose Ee Gabiley

Arabsiyo(GNN)Dawlada Hoose Degmada Gabiley Iyadoo Ka Duulasa In Degmo Kasta Oo Hoos Timaad Gobolka Gabiley Laga Fuliyo Mashaariic Hormarineed Oo Ay Bulshadu Mahadiso  Waxey Degmada Arabsiyo Markii Ugu Horeysay Ka Hirgalisay Hal Kiilo Mitir Oo Wado Ah Wadadan Oo Laga  Yagleelay  Hawlbawlaha Magaalada Arabsiyo Ayaa Ah Mid Nooceedu Yahay Roog Ama Raandhiis Waxana Ku Baxaya Qadar Lacageed Oo Dhan 113000 Oo Doler, Maamulka Gobolka  Iyo Degmooyinka Gabiley Iyo Arabsiyo Xildhibaano Uqaal Salaadiin  Iyo Masuuliyiin Kale Ayaa DHaman Soo Dhaweeyay Wadadan Iyagoo Dawlada Hoose Gabiley Uga MahadNaqey Doorkeeda Hormarined Ee Ay ARabsiyo Ka Fulisay,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Qaar Ka Mida Bulsahda Ku Dhaqan Degmada Arabsiyo Ayaa Maayerka Magaalada  Gabiley Ugu Mahadceliyay Doorka Muuqda Ee Ka Ciyaarayo Isbadalada Hormarineed Ka Dilaacay Degmada ARabsiyo Iyago Ku Tilmaamey Masuulkii Ugu Horeeyay Ee Ku DHiirada In Wadooyin Loo Yagleelo Degmada ARabsiyo,

Degmada Arabsiyo Waxey Hodan Ku Tahay Waxsoosaarka Dalaga Beeraha Waana Magaalo Tariikhiya Oo Xaga Dalxiiska Iyo Bilicda Ugu Horeysa Dalka Wadooyinkana Waxey Fududaynayaan In Bulshada Caalamku Ay Dalxiis Ugu Yimaadaan Degmada Waxoosaarka Ee Arabsiyo.

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET