Deg Deg Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Gabiley Oo La Badalay,+ Cida Lagu Badalay

Gabiley(GNN)Waxa Shalay Ilaa Maanta Soo Baxey Warar Xaqiiqa Ah  Oo Sheegaya In La Badalay Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Gabiley Cabdi Samed Sheekh Cumer Masuulkan La Badalay Ayaa Gobolka Gabiley Ka SHaqeynayay In Mudo Ah  Xaga Hormarinta Waxbarasahada Inkasta Oo Ay Jireen Qolooyin Dhaliilsan Hanaanka Uu Ushaqeynayay Gudoomiyhii Hore Oo Ay Ku Sheegayeen Mid Aan Ku Habooneyn Nidaamka Saxda Ah Ee Waxbarashada Isla Markaana Ka Gaabiyay Qorshayal Lagu Dhiirigalinlahaa Waxbarashada,

Wali Ma Cada In Gudoomiyhii Hore Ee Waxbarashada Gobolka Gabiley Cabdi Samed Sheekh Cumer Xil Kale Loo Igmadey Iyo In Uu Shaqada Ka Fadhiisanayo,

Gobolka Gabiley Wuxuu Leeyahay Dugsiyo Badan Maadama Gobolku Ka Mid Yahay Gobolada Lagu Xanto  In Ay Ku Hormareen Xaga Adeega Waxbarashada Iyo Ciyaaraha,

Dadka Inta Badan La Socda Waxabrashada Gobolka Gabiley Waxey Sheegaan In Heerkii Waxbarashada Gobolka Gabiley Ay Hoos Udhacday Iyado Loo Sababeeyo In Gobolku Aanu Wali Helin Masuul Ka Daacada Hirgalinta Mashaariicaha Waxbarashada

Gudoomiyaha Cusub Ee Loo Soo Magacaabay Waxabrashada Gobolka Gabiley Ayaa Mudooyinkii Danbe Ku Noolaa Magaalada Hargaysa,

Waana Shakhsi Dhalinyaro Ah Oo Aqoonyahana Bulshada Gobolka Gabiley Iyo Dhamaan Hawlwadeenada Waxbarashada Gobolka Gabiley Ayaa Ka Fikiraya Bal Halka Uu Gaadhsiin Karo Masuulkan Cusub Waxbarasahada Gobolka Ee Hoos Udhacday Mudooyinkii Danbe,

 

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET