Deg Deg Maayerka Magaalada Gabiley Oo Wasiirka Hawlaha Guud Ka Codsadey In Gobolka Gabiley La Ansixiyo Xili Uu Wasiirku Gabiley Ku Sugnaa

Gabiley(GNN)Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Somaliland C,Rashiid Ducaale Qambi Ayaa Usoo Jarmaadey Magaalada Gabiley Ee Caasiamda Gobolka Gabiley,Wasiirka Oo Wasaaradiisu Dhawaanahanba Ku Hawlantahay Diwaan Galinta Hantida Qaranka Ee Danta Guud, Ayaa Laamaha Dawlada Ujooga Gobolka Gabiley Waxa Uu Kulan Kula Yeeshay Xarunta Badhaabka Ee Magaalada Gabiley Kulankan Oo Lagaga Hadlayay In Ay Haboon Tahay In La Ilaaiyo Lana Diwaan Galiyo Hantida Qaranka Oo Ah Hanti Bulshadu Wada Leedahay,Ayaa Waxa Sido Kale Kulankan Qaybka Ahaa Maayerka Degmada Gabiley Iyo Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Ku Xigaha Badhaasbka Gobolka Isku Duwayaasha Lamaha Dawlada Iyo Masuuliyiin Ka Hawlgal Gobolka,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA,

Maayerka Degmada Gabiley Maxamed Amiin  Cumer Cabdi Oo Kulanka Ka Hadlay Ayaa Wasiirka Hawlaha Guud Usoo Bandhigey In Gobolka Gabiley Uu Yahay Gobol Balaadhan Oo Tartan La Galaya Gobolada Kale,Isago Tilmaamay In Ay Muhiim Tahay In Xukumadu Ka SHaqeyso In Gabiley Gobol Buuxa Laga Dhigo.Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta C,Rashiid Ducaale Qambi Ayaa Ka Makhtaari Kacey In Gobolka Gabiley Uu Yahay Gobol Balaadhan Oo La Babac Dhigay  Gobolada Togdheer Iyo Saaxil,

Si Kastaba Ha Haatee Socdaalka Wasiirka Ayaa Daaran In Dhamaan Dalka Laga Diwaan Galiyo Hantida Dawlada Oo Loo Yaqaan Hantida Danta Guud Waxana Baryahanba Qaar Ka Mida Gobolada Somaliland Ka Soconayo Qorshayaal Iyo Xeelado Lagu Diwaangalinayo Hantida Dawlada Oo Ay Xukumaduu Dhawaan Soo Saartay Amaamiirta Diwaangalinta Hantida Dawlada,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET