DEG DEGA Ilmo Yar oo  ku Dhintay Dhaamka Ku Yaalla Xaafada Jig-jiga Yar.+ Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo Maydkii Ilmahaas Yar Ka Soo Saaray Dhaamkaas.

Hargeysa ( CDDQ ) – 14. 09.2018- Alle Haw Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Hargeysa Dhaam Biyood  ku dhintay Wiil yar oo magaciisu ahaa Cabdiqani Cabdi Xuseen oo Shan Jir ahaa, kaasi oo ku Dabaallanayay Dhaamka Xaafada Jig-jiga yare ee Magaalada Hargeysa.

Dhaamkan ayaa waxaa hoostiisa ahaa Ceel laga qoday oo dhererkiisu yahay ilaa 20 Mitir ayaa waxaa ilmahaas yari isagoo ku dabaalanaya abbaaro 1:00 Duhurnimo ee maanta uu ku dhintay Ceelkaas.

Ciidanka Dab-demiska  Caasimada Hargeysa ayaa lagu soo wargeliyay, waxaana ciidanku u baxay markii lagu soo wargeliyay, hasayeeshee nasiib xumo waxaa ciidanka dab-demiska lagu soo wargeliyay iyadoo uu muddo ku jiray ceelkaas isla markaana ku dhintay, hasayeeshee waxaa ciidanka Dab-demisku ka soo saaray maydkii ilmahaas yar.

Hawlgalkan ayaa waxaa ciidanka Dab-demiska ku wehelinayay Laamaha Amaanka iyo Baadhista waxaa ugu dambayn Hawshaa la wareegay Qaybaha Baadhista ee Ciidanka Booliska iyo eheladii iyo Qaraabadii Wiilkaasi yar.

Ciidanka Dab-demiska ayaa  badanaa ka shaqeeya hawlaha biniaadanimo haday noqoto Dadka, Xoolaha iyo Gaadiidka iyo guud ahaanba wixii u baahan gargaar biniaadanimo.

 

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

Gurmadka Deg dega ah : 990

Somalillandfie@gmail.com