Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Dhegayso-Madaxweynihii Hore Deegaanka Somalid Ethiopia Oo Markii Labaad Maxkamad Lasoo Taagay Iyo Jawiga Lagu Bilaabay.

Addisabab(GNN):-Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markale maanta la hor geeyey maxkamad.

Dhageysiga dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib loo dhigay muddo 14 cisha ah.

Cabdi ayaa ku eedaysan inuu gaystay dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, eedahaas oo uu isagu beeniyay in uu geystay.

Haddaba faafaahintan arrintaas ayuu Cabdifataax Ibraahim Cagayare waydiiyay weriyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.