Gabiley Shacab Dulman Oo Lagu Dan Gaadho

Igama aha cay aan Ku wado reer Gabiley lkn waxan usheegayaa inay dulmanyihiin xukuumada kulmiyena ugu wacantahay dulmigaa.

AHU ee Madaxwayne cigaal ayaa gobolka gabiley oo markaa degmo ahaa qadiyadiisa gaadhsiiyay inuu barbar dhigo lixdii gobol ee ingiriisku xuduuda ukala dhigay waxanu odhan jiray “lixda gobol iyo Gabiley” Halka madaxwayne Daahir Riyaale uu isaguna umagacaabey gobol.

Markii xisbiga kulmiye talada dalka la wareegtay ayuu madaxwayne Siiraanyo si toosa iskaga indho tiray gobolnimada Gabiley, Halka xukuumadan Muusena dariiqii Siiraanyo socoto.

Hadaba waxa xusid mudan siday reer Gabiley daacad ugu ahaayeen xisbiga kulmiye ee talada dalka iskaga danbeeyay iyadoo hiil iyo

hooba la agtaagnaa ee dhamaan lawada ogaa mucaarid iyo muxaafidba sidii shuruud la’aanta ahayd ee ay ceeb walba madaxa ugu qaateen ololayaashi labada xukuumadood ee kulmiye, godobtana uga galeen xisbiyada kale.

Xukuumada kulmiyena way Ku dangadhay, waxayna iska idho tirtay gobolnimadoodii.

Xaqna maaha in Gobolkaa dhan ee baaxada wayn ee ay ku taalo magaalo ganacsiyeedkii wajaale ee samaynta wayn kuleh dadka iyo gobolka in Number Plateka Baabuurtooda Lagu diwaan galiyo Gobolka maroodi jeex.

Gabileyeey iska dulmanoow xukuumada kulmiye way idinku dan gaadhe.

W/q:- Mohamed Kayd Jama

Qoraa/ dhiiri galiye/ dhigta jaamacada Hargaisa kuliyada caafimaadka

Email:- mohamedkayds@gmail.com