Gudidda Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda oo meel Adag Iska Taagay Laba digreeto oo wasiirka maaliyadu ugudbiyay madaxweynaha Somaliland

Hargeisa(GNN):-Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland gaar ahaan gudidda dhaqaalaha ee golahaasi ayaa meel adag iska taagay laba digreeto oo wasiirka maaliyadda mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ugudbiyay madaxweynaha qaranka Somaliland.

Waxaanay xildhibaanadani sheegeen in labadan digreeto ay yihiin qaar sharciga ka hor imanaya oo baalmarsan nidaamka dalka.

Waxanay xildhibaanadani sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen gudaha magaalada Hargeysa.

Ugu horeyn Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Cashuuruhu wax jeebka wasiirka maaliyadda ku jira maaha ee waa wax umada oo dhan ka dhaxeeya sidaasi darteed madaxweyne qaabkan uu labada wareegto ee midina tahay gaadiidka midina tahay warshadaha uu xafiiskaaga u soo galiyay wasiirka maaliyaddu waa qaab aan danta guud ee umada iyo warshadaha midna u dan aheyn oo aan waafaqsaneyn shuruucda iyo nidaamka dalka, sidaasi darteed waxaanu kaa codsaneynaa madaxweyne inaad joojiso”

Xildhibaan Siciid waxaa uu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in balanqaadkiisi ahaa sareynta sharcigu u noqdo mid shaqeeya oo lagu dhaqmo sharciga waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Ka gole ahaan iyo ka gudi ahaanba waxaanu leenahayb sharci maaha wax allaale wixii tacriifadd kub saabsan, ama takaaliifa ee xukuumaddu soo rogeyso, golaha wakiiladda oo kaliya ayaa sharci u leh inuu jideeyo, waa arrin dastuuriya xataa xeer maaha, subax inta uu wasiir iska soo tooso inuu yidhaaho lacagtii intaasi ayaan ku darsadday, waa qayral masuulnimo ee sharciga halagu soo noqdo, ollolaha waxaanu ku galay anaga oo KULMIYE ah madaxweynahana balanqaadkiisii u horeeyay ahaa in uu sharciga ku dhaqmayo, madaxweyne sharciga halagu dhaqmo, wasiirku wareegtadan uu soo saaray waa qayral dastuuriya”

“Sidoo kale qodobka ku saabsan warshadduhu waxaa uu ka hor imanayaa, dantii guud, imika dee malaha waanay lamaba soo marin wasiirke ta ugu badani boqolkiiba sodon ayay awoodii ay ku shaqeyn laheyd oo shaqo ah ayay qabataa”Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland
Halkan Hoose Ka Daawo.