Halkan ka Akhri:-Xabsiga Jeel Ogaadeen Oo Si Rasmiya Albaabada Loogu Laabay.

Wararka naga soo gaadhaya ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la xidhay xabsiga jeel ogaadeen oo ahaa jeel tacadiyo badan loogu geysan jiray dadka mudaddii uu maamulka dawlad deegaankaasi hayay Cabdi Maxamuud Cumar.

Xabsigan maanta albaabada loo laabay ayaa ahaa xabsi dad badan lagu jidh dilay qaarkoodna ayba ku dhinteen – sida ay hore u sheegeen ha’yaddaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Golaha xafiisyada maamulka soomaalida Itoobiya ayaa isku raacay in albaabada loo laabo maanta jeelkaasi. Tirada dadka haatan ku xidhanaa ayaa la sheegay in ay yihiin ku dhawaad 285 oo qof.

Bashiir Axmed Xaashi taliye ku-xigeenka ciidanka asluubta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo warbaahinta kula hor hadlay jeelkaasi waxa uu sheegay in ay ku faraxsanyihiin in albaabada loo laabo jeelkanni.

Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa maallmihii u danbeyay loo baaqaayay in uu albaabada u laabo jeelkaasi. Waxa xusid mudan in jeelkani uu ahaan jeelasha ugu ciqaabta xun dawlad deegaanka Soomaalida Itooiya iyo sidoo kale Itoobiya – waxaana sidaasi xaqiijiyay dadkii ku xidhnaa mudada badan oo xoriyadooda dib u helay.