Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Hay’adda EAD ee Horumarinta bariga Africa ayaa deeq Raashina 11tan u qaybisay 260 qoys

 dadkii duufaanku ku waxyeeleeyeu Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland. Raashin qaybintaa waxay Hay’addu ka bilowday degmada Bullaxaar, Gobolka Saaxiil oo 80 qoys oo jilicsan ugu qaybisay raashin. Waxaa deeqdaa gudòonsiiyey Maamulka degmada Bullaxar Madaxa gudida Hay’adda EAD ee Somaliland Md. Ahmed Ibrahim Kadleye, waxaana ka gudoomay Gudoomiyaha degmada Bullaxa Ismaciil Xasan Maxamed iyo gudoomiye ku-xigeenka Deg. Bullaxar Sakariye Xasn Mùuse oo u mahadnaqay dhammaan Gudida Hay’adda EAD dal iyo dibadba iyo qurbajoogta reer Somaliland ee kasoo qayb qaatay inay soo gaadhsiiyaan deeqdan raashinka ah walaalahooda uu duufaankii ku waxyeeleeyey Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxay sidoo kale Hay’addu 50 qoys raashin ugu qaybisay tuulada Ceel-Sheekh ahna qoysas aad u jilicsan oo dhibaato kasoo gaadhay duufaankii. Waxaa deeqdaa gudida EAD ka gudoomay masuuliyiinta iyo waxgarad bulshada degaanka Ceel-Sheekh ku nool. Waxay sidoo kale Hay’adda EAD raashin 60 qoys ugu qaybisay tuulada Cabdi-Geedi oo ka mida meelihii duufaanku si adag ugu waxyeeleeye bulsho badan. Waxay Hay’addu sidoo kale raashin gaadhsiisay 70 qoys tuulada BUS ee waqooyiga gobolka Gabiley oo duufaanku dad badan ku waxyeeleeyey oo badankoodu ku waayeen xoolihii noloshoodu ku tiirsanayd.  Intii aanay Hay’addu qaybin raashinka waxay socdaal ku martay dhammaan degaamadaas si ay usoo diiwaan geliso qoysaska ugu sii jilicdasan dadkaa duufaanka dhibaatadu kasoo gaadhay – iyadoo la tashanaysa maamulada iyo waxgaradka degaamadaa si looga soo xulo dadka ugu sii jilicdsan dadkaa baahan.
Dhammaan waxgaradka iyo masuuliyiinta degaamadaa Hay’addu raashin gaadhsiisay ayaa u mahadnaqay Gudida Hay’adda iyo qurbajoogta reer Somaliland ee soo gaadhsiiyey deeqdan raashinka ah wakhti ay aad ugu baahan yihiin. Gudida Hay’addu EAD waxay halkan mahadnaq u soo gudbinaysaa Hay’adda ka hortagga Aafooyin Qaran Jamhuuriyadda Somaliland, Mayor ka iyo maamulka Gabiley iyo Cuqaasha degaamada waqooyiga oo talo iyo tusaale ba nagala qayb qaatay in si habsamiya raashinkani u gaadho dadka u baahan.
Tix gelin
Gudida EAD ee Somaliland.
September 2018

%d bloggers like this: