“Kabashada Cilmiga Gaaban Waa Lagu Kadeedmaa”.W/Qalinkii-Ayaan Cabdi Nuur.

Hargeisa(GNN):-Hogaamintu maaha Wax Qofku iska yeel yeeli karo, Waa karti iyo Awood ku dhisan Furfurnaan iyo Daacadnimo aan durlahayn, nin jeclaysiga, lexejeclada, iyo qabyaaladu waa wax kaliya ee degan laabtiis, Waxaase Muuqiisa guud Bulshadu u haystaan Shaqsi Hogaamintiisu Ku dhisan tahay daacadnimo iyo Dadaal uu dadka dheer yahay balse Xaqiiqda jirta marka lagu daadago noloshiisa Dhabta ah Waxaa Ceeb ku ah Xilka uu bulshada u hayo, oo uu ku mutaystay wajiyada faraha badan ee uu isticmaalayo.

Suuradiisa iyo Sifooyinka Afcaasha ay ku suntan tahay sawirka beenta ahi Waata Sabab u noqotay in uu isu hayn waayo laba Shaqsi oo uu hogaankooda yahay.

Waxaa Uu isu Haystaa inuu yahay Qofka kaliya ee ugu Aqoonta badan, ugu Awooda badan, ugu caqliga badan, uguna Siyaasisan Bulshada Gobolka uuna yahay qofka kaliyaata ee isagu ugu saxsan.

Dadka Inta aan aqoonta u lahayni marka ay ka dheehdaan ama ka Daawadaan Muuqaal baahiyayaasha Waxay u arkaan inuu yahay Qof ku Sifoobay wanaag, hadalka dabacdasan, hanaanka uu u labisto iyo odhashada kalmado aad moodayso inuu yahay wali ilahay,waxaase haddii uurka la dooxo loogu tagayaa naxli iyo nacayb ay ku lamaan tahay garasho gaabni iyo garaad xumo baahsani,oo dhaxalsiisay in dadkii kuwii ugu xigay ay ka xanaaqaan magaciisa daaye muuqiisa.

Waa markii ugu horeysay ee xilka heer maayirnimo uu wajiga labaad ee waxa ka hooseeya aaneyn dadka badankiisa inta aqoonta dheer u leh mooyaane aaney ogayni uu ku helay in lagu aamino oo loogu doorto, maaha aqoon iyo karti uu bulshada dheeraa balse waxay ahayd siyaasada uu isticmaalo oo ah mid sawirka dibada uga baxayaa uu yahay mid ku dhisan ama metasha humaag male-awaal ah oo kuwo hore oo ka horeeyey karkaarka waydaarisay.

Talo xumada, Tawfiiq la’aanta iyo Taageero la’aantu Waata Dhaxalsiisay In Golahiisa Deegaanka oo ka Kooban 21 xildhibaan ay sannad gudihii 34 jeer warbaahinta lasoo hor istaageen muran iyo eedayn ay ku dhaliilayaan musuqmaasuq iyo wajiyada faraha badan ee uu isticmaalo, taas oo sababtay in golahiisa deegaanku noqodo golihii ugu muranka badnaa degmooyinka dalka Somaliland oo dhaxalsiisay in madaxweynaha qaranka Somaliland safar uu dhawaan kusoo maray ay kamid ahayd waxyaabaha uu sida tooska ugala hadlay inuu dhameeyo oo iskuna wado xildhibaanada golahiisa dhameeyana tabashada xildhibaanada uu codkooda kursiga ku fadhiyo, haddii kale uu ku wareejiyo xilka shaqsi kale oo ay iyagu doortaan.

“Kabashada Cilmiga Gaaban Waa lagu Kadeedmaaye” kasdarnaantiisu waata sababtay in marka laga yimaado lixdii bilood ee ugu hooreeyey ee uu xilkan hayey inuu bulshada u muujiyo inuu yahay Shaqsi waxbadan ka qabanaya Baahiyihii bulshada deegaanka hore u haystay, balse markii uu waxbadan fahmay aadna u dhexgalay dhinac dawlada dhexe iyo xaqiiqadii gobolka taalay uu isu qaatay inuu yahay Cumar Binu Khadaab uu ilahay Bulshada gobolka usoo diray, yahayna Siyaasiga kaliyaata ee isugu ugu Caqliga iyo Cudada Badan Gobolka.

Aqoon iyo Garasho Taliini hagayso oo lagu Timaami karaa habeen umay hoyan, garasho iyo garaad buurana hadalkiisaba daa, Arrimo badan oo uu hore uga indho la’aa waxay tusiyeen inuu yahay Hogaamiyaha kaliya ee isagu tiisu saxan tahay,

Kasbasho iyo Karti uu Bulshadii gobolka kula wadaago hadaba wixii baahiye ay u baahan yihiin ama duruufa ee lasoo darsaa kaliya waxay ku koobnaadeen hadal qurux badan oo hawada uu bulshada u mariyo balse aan halkaa wax ficil ah oo ka dhashaa ama ka danbeeyaa aanu jirin.

Ma is Waydiisay Akhriste Waxaa Sababaya in Khilaafka ugu badan iyo Dhaliilaha ugu badan Ay horseed u noqoto Dalka Degmada gabiley 21 xildhibaan ee bulshadu soo dooratay,?

Ma Shaqsiga Hogaanka Ah ayaa Khaldan mise 21 ka Xildhibaan.?

Maxay Tahay Xaqiiqada dhabta ah ee taala dawlada hoose degmada gabiley,?

Maxay yihiin Baahiyaha faraha badan ee ka jira Degmadu,?

Su’aalahan iyo Kuwo kale oo Aad u Tiro badan Waxaan idinkula Wadaagi Doonaa Haddii eebe Qadaro Qormada Tan Xigta…………La Soco.

 

 
W/Qalinkii-Ayaan Cabdi Nuur.

Ayan460@gmail.com