Madaxweynaha iyo Ganacsatada Haamuhu Wey Is Gaadhi Waayeene Mid Waliba Dhinaciisa Ayuu Ka Kale Khiyaano La Maaganaa

Inkastoo Dad badani Rumaysan Kari Waayeen In Lixdan Milyan oo Lacagta Dollarka Mareykanka ah Laga Qaadey Xiligii Xukuumadii hore Ganacsatadii La Wareegtay Haamaha Shidaalka Berbera Sidii ay Sheeganayeen Markii ay Warbaahinta ka hadleen Waxa la yaab leh in ay markii hore Xukuumadda iyo Ganacsatadaasi Wada hadal yeesheen, intii.ka Dambeysay Wareegtaddii Madaxweynuhu kasoo Saarey in Dib loogu soo celiyo.gacanta Dawllada lagana Wareejiyo.Ganacsatada Waxa aynu ognahey in Wadahadaladaasi Mudo u Socdeen Laakiin ay Meel dhexe ku Burbureen Markii la is af garan Waayay.
Haddaba Sida ka muuqatey Sawirka Maanta ee ay Haamaha Shidaalka Berbera ku gaadheen Wasiirada Maaliyada, Ganacsiga iyo Hantidhawrku islamarkaana, aaney
habayaraatee meesha kasoo xaadirin Nimankaa odoyaasha ah ee Ganacsatada Sheeganayey, Waxay tani inoo cadeynaysaa in qiimada la isku Diidey oo Wasiiraddu Sixirkii Loo Sheegay oo kaliya dhinacna u Dhaafi Waayeen Sidoo kalena Ganacsatadu iyaga iyo odoyaasha Musdambeedkooda ah ee Sumada Berbera Xaal Mastuurka ku lahaa Af yaqaanayna Dawlladaha iyo Halka laga Abaaro Madaxweynayaashu ay damacsanaayeen in ay si gaar ah Isaga(Madaxweynaha) isku arkaan oo ay qiimada kala goostaan balse, isaguna uu uga gabadey in abaalo loo Sheegto oo halkaa Cabsi badani ka haysey Waana Sababta uu uga dhuuntey Marka labadooda dhinacba la eego Waa Khaayimiin is baayaceysa sidaan horeba u Sheegay ee majiro dal iyo Dad loo daneynayaa, Madaxweynuhuna Waxa uu Leeyahey Maxaa iga galey Wixii Xukuumaddaa hore idinka qaadey Haddaa Maxaa Raaciyey Wasiirka Maaliyadda? Inkastoo ay u qurux badneyd in uu Heshiisyadda odeygii ka horeeyay Tixgaliyo.
Aan hoos u dhaadhaco Geesta kale Madaxweyne Biixi Waxa uu Si toos ah u Bartilmaameedsadey Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo meelo badan lagaga daba taggey May qurux badneyn in Gurigii uu Dhistey ee ka iibsadey Dadkii Deganaa lagaga dabo taggo hadii Shirkadihii Madaarka laga soo Xidhey oo Dhalinyaradii uu Shaqaaleeyay lawada eryay Waxa ay Cadaaladu kujirtaa in ay Raggii kale ee lamidka ahaa lala Simo.ee Wasiirada ka ahaa Xukuumada, kadaba tagga isaga iyo Siilaanyo Madaxweymihii hore Waxey cadeynaysaa in Godob Siyaadadeed oo badani jirto Aakhirkana Cuqdad ayay imaneysaa.
Gabagabadii bal aynu eegno in ay Goor Dambe qiimada Haamaha isku igolaadaan Ganacsatadaasi iyo Madaxweyne Biixi iyo in arintu sidaa ku Socoto iyo in Hawshan la Waddaa kusoo dhamaato ana markeygii iyo inteydii ayaan Rabbaa.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466117