Madaxweynaha Liberia George Weah oo Isagoo 51 jir ah u Ciyaaray Qarankiisa

Madaxweynaha Liberia George Weah ayaa ciyaar saaxiibtinimo oo caalami ah Talaadadii u saftay kooxdiisa qaranka – isagoo ay da’diisu tahay 51 sano.

Weah, oo ahaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo ay FIFA siisay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan sannadka, ayaa si toos ah u ciyaarayay 79 daqiiqo oo ka mid ah ciyaartii ka dhacday Monrovia oo uu xulkiisa guul darro 2-1 ah kala kulmay Nigeria.

Liberia ayaa u qaban qaabisay ciyaartaas saaxiibtinimo iney howlgab uga dhigaan funaadadda lambarka 14-aad, oo uu Weah xiran jiray waayihii uu ciyaari jiray.

Weeraryahankii hore ee kooxda AC Milan ayaa xilka madaxweynenimo loo dhaariyay bishii Janaayo ee sannadkaan.

Weah ayaa loo istaagay si loo sharfo xilligii la baddalayay.

Nigeria ayaa la soo shir tagtay koox awood leh oo ay ku jireen ciyaartoyga ka tirsan kooxda Leicester ee lagu magacaabo Wilfred Ndidi iyo saaxiibkiis Peter Etebo oo u ciyaaraha kooxda Stoke City oo labadaba ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska.

Kelechi Iheanacho oo isagana ka tirsan Leicester ayaa baddal ku soo galay qeybtii dambe ee ciyaarta.

Laacibka reer Nigeria ee Henry Onyekuru oo ka tirsan kooxda Everton, haddeerna amaahda ugu ciyaara kooxda Galatasaray, ayaa goolka hore u dhaliyay Nigeria.

Koorno uu soo tuuray Peter Etebo ayaa waxaa madaxa ku dhaliyay Simeon Nwankwo oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Nigeria ku gacan sarreysay.

Hase ahaatee xulka martida loo ahaa ayaa goor dambe keensaday gool uu u dhaliyay ciyaaryahankooda Kpah Sherman, kaasoo ahaa gool-ku-laad.