“Marka Aynu Qarannimo Doonayno Maaha In Ay Isku Reer Noqdaan Madaxweynaha, Jananka Iyo Wasiirka Khaarajiga,

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Xil. Gacan) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in dheelliga ku jira xukumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhiirri gelinayo qabyaaladda. Waxa uu sheegay in xilalkii ugu sareeyay dalka ay hayaan beesha madaxweynaha, sidoo kalena ay xilalka uu magacaabay ugu badan yihiin beelo gaar ah.

Xildhibaan Gacan waxa uu madaxweyne Biixi ku baraarujiyay in uu dib u eego sida uu bulshada ugu qaybiyay xilalka uu magacaabay ” Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi dhawr iyo todobaatan qof ayuu magacaabay bal liiskiisa dib ha u raaco yuu is odhan waa lagaa gardaran yahaye, liiskiisa dib ha u raaco oo siday tahay inta reer leeyahay iyo

inta Somaliland leedahay ha isku qiyaaso konton iyo wax ka badan ayaa dhinac keliya noqonaya,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Gacan

Xildhibaanku wuxuu intaasi raaciyay in aanay Qarannimada is waafaqayn in xilalka dalka ugu culus dadka hayaa la beel noqdaan madaxweynaha “Talabaad marka aynu qaran Doonayno Madaxweynii iyo jananku inuu isku qolo noqda maaha, Madaxweynihii iyo Wasiirka Arrimaha Debadda inay isku qola noqdaan maaha, Madaxweynihii iyo Maxkamadda Sare inay isku qolo noqdaan maaha, waa marka aynu Qaranimo doonayno, caddaalad daro ilaahay inaguma oga, laakiin waxaanu tilmaamaynaa inta aan is qaban Karin, Markaa Madaxweynaha Qaranku isagu raali maku noqon karaa oo ma doonayaa dalkii in aanu horu socodba noqonin, waxaan leeyahay Madaxweynaha Qaranka Mucaarad kuguma nihin Qarankana waanu dhisaynaa , beel nimana ma doonayno qaybsanaana ma doonayno, bal adigu wax isku miisaan,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Gacan.

Docda Kalene Xildhibaan Gacan ayaan ka hadlay Jabhada uu unkay kornaylka qarankan ka baxdoobay ee lagu magacabo Caarre “Waa markii koobaad ee Jabhadi inga dilaac-do, jabhadaa annigu lama socoto, khaladka waxaan u tirinayaa Muuse Biixi annagoo sideed nin ah ayaanu kala hadalnay waar ninkaa aanu soo qabano ayaanu nidhi,qoladii uu u diray beelaha heshiisiintooda wey kala hadleen oo talada kusoo dar ayaa la yidhi, beeshu wey ka tashatay oo waa laga soo dhammeeyey inuu talada reerka qaato,Dowladu iyada ayaa tidhi noo daaya .”

Geesta kalene Xidhibaanka ayaa isagoo ka hadlaya Derejada Ciidamada wuxuu yidhi “Derejada Dalka wey bugtaa, Siilaanyo derejo ayuu keenay maanan diidin ee wey wanaagsanayd, lakiin cadaalad maloo bixiyey, kii derejada loo diiday wuu ciil qabaa oo aad ayuu u ciilqabaa,kii xil sugaha laga dhigay ee Derejada la siiyey waa ciil qabaa, kii soo jiraanka ahaa e Askari gaboobay ahaa ee Derejadii hoos loogu dhigay ee inan yar oo jabhada laga saraysiiyey wa ciil qabaa bahasha ciil-baa ku dhex jiray .”

Ugu Dambeyn Xildhibaan Gacan ayaa ka hadlay Buuga Sooyaal ee uu qoran Wasiir Guri Barwaaqo, waxaanu xusay in aanu istaahin in xil umada loogu dhiibo Wasiirku ” Horta habluhu dhinaca ay doonaan-b ha joogaane ee Hargeysa ku nool ee deeganka Hargeysa ahi, ma isku dhaqan-baa ma kala dhaqan-baa, ma wada dhaleeyaa Makala dhaleeyaa ,maxay yihiin yacnii waa qabyaalda aan dawada lahayn ee maanta meesha keenta, ninkaa annigu uma arrko nin masuuliyada qaadi kara wuxuu caayayaa waa inantiisii, Edadii, Habaryartii, Walaashii, Inaabtidii, tii uu qabay ee uu maanta dhaqanka iyo dhashaba ka doonayey oo miidhan ayuu caayayaa, annigu waxaan leeyahay kaa xilkaba halaga eryo Buugaana hala Kansargareeyo,lakiin intaas ayaa lagu bogsanayaa intaa hala dhameeyo,Madaxqweynuhuna qof jeclaysiga ha iska daayo, hadduu Axmed Gacan neceb yahay marbuu u baahan karaa.” Ayuu yidhi Gacan.