Maxaa Sababay Wakhtigan In Maamulka Gobolka Gabiley Hadalo iyo Amaro Ka Baxsan Nidaamka Dawladnimo Warbaahinta U Mariyaan Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Gabiley(GNN):-Kadib Markii Dhawaan Ay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ku Sameysay isku bedel Maamulkii Waxbarashada Gobolka gabiley oo xilkii ay ka qaaday isuduwihii wasaarada u qaabilsanaa waxbarashada gabiley ayaa waxaa kasoo baxay arrimo badan oo bulshada markii hore ka qarsoonaa inta badana aan laga warqabin.

Qorshaha iyo Aragtida Maayirka gabiley iyo Badhasaabka Gobolka oo ahayd in kaliya gobolka isuduwayaasha wasaraadaha iyo masuuliyiinta kale dawlada ee loo soo magacaabayo inay iyagu keenaan ayna ka raali noqdaan lagalana tashado, ayaa timid kamid markii wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ay dhegaysan wayday in ay shaqsiyaadkii ay doonayeen loo magacaabo isuduwaha gobolka ee waxbarashada, waxaana taasi sababtay markii loosoo magacaabay isuduwaha cusub in Badhasaabka gobolka gabiley oo inta badan ku shaqeeya afkaarta iyo aragtida maayirka gabiley uu ka hor yimaado Isuduwihii cusbaa ee wasaaradu usoo magacowday, Waxaana arrintaa ka dhashay culays badhsaabka kagaga yimid qaar kamida madax-dhaqameedka gobolka iyo odayaasha oo difaacay islamarkaana wacad ku maray in isuduwaha cusub ee wasaaradu soo magacowday uu shaqeynayo arrintaasi oo gilgishay badhsaabka kadib waxaa uu raaligalin ka bixiyey Qalad ka dhacay Waxaanu u sheegay madaxdii dhaqanka ee xafiiska ugu tagay in  uu Maayirka degmadu hore ugu sheegay in Madaxweynaha ay ku balameen in Cidii Loosoo magacaabayo gobolka Lagala Tashanayo Maayirka iyo badhsaabka. Intaa kadibna waxaa uu badhsaabku ku qanciyey inuu raali galin buuxda arrintaasi ka bixinayo isuduwaha cusubna uu shaqadiisa qabsanayo.

Intaa Kadib Maxaa Ka Dhacay Hadaba Madashii Uu Xilka Kula Wareegayey Isuduwaha Cusubi.

Maayirka iyo badhasaabka gobolka oo arragti ahaan ka midaysan afkaartaa hore ee ay qabeen in gobolka aaney ka hawlgali Karin shaqsi aan iyaga soo marin  ayaa iyagoo Adeegsanaya Awooda iyo Shaadhka Dawladnimo ee Ay Huwan Yihiin Madashii xilwareejinta ka jeediyey hadallo u muuqda  Adeegsi Awoodeed iyo amaro ka baxsan Nidmaaka Dawladnimo ee ay ku Wada Shaqeeyaan Laamaha kala duwan ee Dawladu.

Waxaana Sida Muuqaalkan Ku Cad Ay Labadaasi Masuulba Goobtii  kaga dhawaaqeen Hadalo Hanjabaad iyo Tiiqtiiqsi Awoodeed ah  uga jeediyeen Isuduwaha cusub ee Wasaarada Waxbarashadu Dhawaan usoo magacowday, Waxaanay halkaasi iyagoo jawaab uga dhigaya Go’aanka ay wasaaradu kusoo magacowday Masuulkan kagaga fal celiyeen  Dhaliilo badan oo ay ku Weerarayaan wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare iyagoo Wasaarada Ku Eedeeyey in Aaney Wax Wada Shaqeyn Ah la lahayn Wasaaradu Gobolka gabiley islamarkaana aaney ka fulin wax mashaariico ah, sida aad muuqaalkan ku daawan doontaan waxaana uu badhasaabka gabiley Wasaarada waxbarashada iyo isuduwahan xilka la wareegayeyba ku amray inaaney jirin doonin hay’ad ama cid ka socota wasaarada waxbarashada oo wax mashaariico ah ka fulin kara gobolka  iyagoo aan wax ogolaansho ah ka haysan badhsaaabka iyo maayirka, Sidoo Waxaa Isaguna Dhankiisa Hadalo u Muuqda beerlaxowsi iyo dhul is dhigis halkaa kagaga tawaawacay maayirka oo yidhi “Waxbarashadii Gabiley Hoosbay u dhacday Waxaana u Sabab ah Wasaarada Waxbarashada, Isuduwe Waxaan fariin kuu faraynaa Wasaarada Waxbarashada waxaanu ka doonaynaa inay gobolka ka Dhisto Iskuul Boodhin ah oo gobolka laga hirgaliyo Wasaarada Waxbarashadu gobolka gabiley dhaqaalihii dawlada dhexe ugu talo gashay waxba kama soo gaadhsiiso”.

Si Kastaba ha ahaatee Odhaahyadan Deelqaafka ah ee ku cusub Hanaanka iyo Nidaamka Wada Shaqeyneed dawalda oo Salka ku hayey  khilaafkan ka abuurmay ogolaansho la’aanta aan iyaga looga amar qaadan masuulka loosoo magacaabay waxbarashada gobolka ayaa ku soo beegmaya wax yar uun kadib dhawaan markii madaxweynaha Somaliland oo gobolka gabiley socod kusoo maray uu kula dardaarmay in dhaqmo faro badan oo dhaawac ku ahaa gobolka iyo dalka ay joojiyaan golaha deegaanka gabiley oo marwalba iyagu ahaa mid murankoodu soo noqnoqdo, taas oo maayirka uu amar ku siiyey inuu isku waddo xildhibaanada islamarkaana u noqdo dhex oo aanu ku kicin kooxaysi iyo nin jeclaysi shaqsiyaad gaara uu wato.islamarkaana shacabka gobolka loogu shaqeeyo cadaalad iyo sinaan ka fog reeraysi iyo caadifad dano gaar ah.

Shacabka Ku Nool gobolka gabiley oo aad ula yaabay Odhaahyadahan ku cusub dhegaha bulshada gobolka gabiley oo ay ka daawadeen uun shaashadaha telefishinada ayaa ku tiraabay inay tahay fadeexad cusub oo ka hor imanaysa dawladnimada iyo Wadajirka Shacabka gobolka.Sidaa darteedna aaney jirin wax wakhtigan keena oo uu hore uga hadli waayo maayirka magaalada gabiley mashaariicaha uu hadda ku eedaynayo dawlada dhexe iyo arrinta gobolnimada gabiley ee marwalba kusoo hal qabsado.

Muxuu Yahay Qorshaha Madaxweynaha Somaliland uga Meel yaala Wax ka qabashada Arrimahan dhaawaca Ku ah Bulshada Gabiley iyo Nidaamka Dawladnimo ee Ka Dhacayaa Gobolka.?”

Waxaanay  Shacabka Gobolka Gabiley Ka Dhursugayaan Talaabada uu madaxweynaha Qaranka Somaliland Ka Qaado Masuuliyiintan Socod Baradka ah ee dhaqanada ka baxsan nidaamka dawladnimo iyo wada shaqeynta hay’adaha qaranka fariimo  iyo amaro aan looga baran u mariyey warbaahinta Wasaarado iyo Xafiisyo dawaladeed oo ay ka haboonayd in Nidaam hoose oo sir ah iyo Qoraal wada shaqeyneed ay ugu gudbiyaan wixii ay tabanayaan.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Madashan Xilwareejinta ay Ka Jeediyeen Masuuliyiintani.

 

Gabiley News Network