Sarkaal Halbowle U Ahaa Kooxda Caare Oo Ku Soo Noqonaya Ciidanka Qaranka Iyo Qaban-Qaabada Soo Dhawayntiisa Oo Ka Socota Ceerigaabo

Ceerigaabo(Gnet)-Taliyahii dhawaan ka goostay ciidamada qaranka gaashaanle dhexe Gamaal Ducaale Maxamed  oo ay waheliyaan Ambalaas iyo lix ka mid ah ciidamada qaranka oo uu hore ula goostay ayaa ku sugan duleedka Ceerigaabo iyada oo lagu wado in maanta lagu soo dhaweeyo magaalada Ceerigaabo.

Sarkaalkan oo hore uga goostay ciidamada qaranka ayaa uu khilaaf soo kala dhex galay Taiye Caare oo ay isku koox ahaayeen, waxaana taliye Gamaal oo wata gaadhigii ambalaaska ahaa ee ay kooxdaas hubaysani ka dhacday gobalka Sanaag iyo lix askari la filayaa inay maanta yimaadaan magaalada Ceerigaabo.

Badhasaabka gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro oo soo dhawaynaayay wafti uu hoggaaminaayo wasiirka caafimaadka oo Ceerigaabo tagay ayaa tibaaxay inay soo afjarayaan taliyihii iyo Ambalaaskii lagala goostay gobalkaas, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Hawluhu gobalka Sanaag imika si wanaagsan ayay uga socdaan nabadgalyadii waa ay noo xasishay Alle hanoogu wado in yar oo nalagu xaman jirayna bilowgeedii Wasiir goobjoog ayaad nala ahaanaysaa oo waanu soo afjaraynaa, Anbalaaskiina waa uu noo joogaa oo meel aan naga fogayn inuu ilaa bari noo soo galo waanu rajaynaynaa, khayr badan ayaa noo soo socda”

Gaashaanle dhexe Gamaal Ducaale Maxamed  oo wargeyska Geeska Afrika uu la xidhiidhay isaga oo ku sugan tuulada Haldhaagan oo 40km u jirta Ceerigaabo, ayaanay noo suurto galin inan khadka Telefoonka ku helno, laakiin  wararka ayaa intaas ku daraaya in waan waan kadib sarkaalkani maanta lagu soo celinaayo ciidamadii uu ka goostay ee qaranka Somaliland.

W.Geeska