Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Sarkaal Ka Tirsan Midawga Yurub Oo Kormeer Ku Tagay Mashruuca Beeraha Ee Wajaale

Gabiley(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo uu wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Dr. Maax, ayaa Mashruuca Beeraha Wajaale ee Wasaaraddu qodday kormeer u geeyay Sarkaal ka mid ah Madaxda ururka Midowga Yurub (EU).

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL iyo Agaasimaha Guud ayaa Mashruuca Banka Wajaale oo Saracii laga beeray su wanaagsan u baxayo isla-markaana durba midheeyay waxay mid mid u soo tuseen Mr. Alberto oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Midowga Yurub ee Somaliland ka Caawiya Mashaariicda Horumarinta iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha  oo uu wehelinayey Mr. Cadnaan oo ka mid ah Madaxda Xafiiska Midowga Yurub ee Somaliland.

Intii Weftiga Wasiirku ay halkaa ku sugnaayeen waxa War-bixin ka siiyey sida Mashruuca Banka Wajaale u socoto Madaxa Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL u qaabilsan Mashruucaasi Mr. Mowliid Xasan Cabdi, isagoo Mowliid Madaxda u sheegay in Mashruuca Banka Wajaale laga beeray Saracyada ay ka mid yihiin Arabikhi, Hadhuudh iyo Dalagyo, isla-markaana rejo weyn ku qabaan in Mashruucu sidii qorshuhu ahaa u hirgelo.

GABILEY.NET

 

%d bloggers like this: