Soomaaliya Oo Isku Diyaarinaysa Iny Ciidamo Nabad Ilaalin Ah U Dirto Wadanka Koonfurta Suudaan

Hargeysa(GNN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaar u tahay in ciidamo nabad ilaalin ah ay u dirto dalka koonfurta Suudaan.

Wasiirul dawlaha wasaarada waxbarashada ee dawlada federaalka ah Cabdiraxmaan Jaabir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dawlada soomaalliya diyaar u tahay inay ka qayb gasho nabad ilaalinta dalka koonfurta Suudaan.

Wasiirul dawle Jaabir oo ka hadlaya qorshaha dawlada soomaaliya ayaa waxa uu yidhi “’Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay suurtagal ku noqon karto Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado in ciidamo ay ku biiriso nabad ilaalinta dal kale.”

Wasiirul dawle Jaabir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey

“Maxaa diidaya oo naga hor istaagi kara in aan sidaa yeelno’’ dalka Burundi ciidamo nabad ilaalin ah ayeey u soo direen Soomaaliya, xili gudaha dalkaasi ay ka jireen colaad iyo dagaallo dhaxdooda ah, sidaa daraadeed ma jirto sabab naga hor istaagi karta annagana in aynu qeyb ka qaadanno dhismaha nabada qaarrada”

Urur goboleedka IGAD ayaa dhawaan soomaaliya ku soo daray wadamo uu ka dalbaday inay ciidamo nabad ilaalin ah u soo diraan wadanka Koonfurta Suudaan si ay ula socdaan hir gelinta heshiiskii nabada ee dhinacyada dalkaasi ku gaadheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

GABILEY.NET