Waa Kuma Dalka Cusub Ee Ku Biiri Doona Dhawaan Urur Gobaleedka IGAD ? + [ Akhriso ]

Addis Ababa (GNN) Eritrea ayaa dib ugu biireysa urur goboleedka IGAD iyadoo munaasabad loogu oggolaanayo lagu wado in lagu qabto magaalada Addis Ababa toddobadka dambe.

Image result for Isaias Afwerki

Eritrea ayaa laga saaray xubinimada IGAD sanadkii 2007dii balse waxaa ay dib ugu biirtey 2011. laakiin waxaa markale laga saaray xubinimadeeda sanadkii 2017kii.

 

Dhinaca kale saxiixa ugu dambeeya ee heshiiska nabada dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa uu ka dhici doonaa toddobaadka soo socda magaalada Addis Ababa.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa waxaa uu ka soo xigatay Ismail Wais oo ah ergeyga gaarka ah ee Koofurta Sudan in uu sheegay xaflada saxiixa dib u heshiisiinta in uu dhawaan ka dhici doono magaalada Addis Ababa.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay colaad muddo ka badan 20 sano u dhaxeysay labada dowladdood oo ay ku dhinteen Kumannaan ruux oo ka kala tirsan labada dowladdood.

GABILEY.NET