Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Oo Baabiiyay Heshiis Ay Wasiirka Shaqadu La Gashay Shirkad Is-gaadhsiineed

Hargeysa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa baabiiyay Heshiis ay Wasiiradda Qoyska iyo Shaqo galinta Hinda Jaamac Xirsi Gaandi kula gashay shirkad islamarkaana ay kaga kiraysay qayb ka mid ah Xarunta Wasaaaradda Gudaheeda,halkaasi oo ay  shirkadu ku rikibatay Tower isgaadhsiineed.

Wasiirka ayaa warqad uu ku socodsiiyay Shirkada Telesom, Ogna uu siiyay Wasiiradda Shaqo galinta iyo Arimaha Qoyska Hinda Jaamac Gaandi ayuu amar ku bixiyay in si deg deg ah loo baabiiyo islamarkaana looga noqdo Heshiis ay Wasiiraddu la gashay Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom taasi oo ay kiro bil leh ah oo illaa Laba Boqol oo Dollar ah kula gashay inay ka qaadatoTower dheer oo isgaadhsiineed oo

Dhawrkii bilood ee u dambeeyay ka dhex taagnaa Badhtamaha Xarunta Wasaaraddaasi, waxaanay sida la sheegay Wasiirada Shaqaduna si deg deg ah uga noqotay heshiiska iyadoo warqad codsi ka noqosho ah la gaadhsiiyay Shirkadda Telesom islamarkaana laga codsaday inay Towerka ka dhex fur furato Wasaaradda.

Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa aqbashay ka noqoshada Heshiiskaasi waxaanay  isla Doraad ka dhex furfuratay Towerkii uga dhex rikibnaa Wasaaradda Shaqo galinta iyo Arimaha Qoyska dhexdeeda. Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa sida la sheegay dalbatay in loo celiyo Kharash la sheegay inay kaga baxay dhismaha Towerkaasi iyo Qol gaar ah oo ay shirkaddu ka dhex dhisatay Wasaaradda dhexdeeda waxaana si waafi ah la iskula afgatay sida warku nagu soo gaadhay in wixii kharash ah ee Shirkadda ka galay Dhismaha Towerkaasi iyo qol yar oo ay gaar u dhisatay loo celiya, shirkaduna wixii qalab ah ee ka dhex yaala Wasaaradda ka dhex qaadato taasi oo si rasmi ah qoraal lagu kala saxeexday.

Warqada Wasiirka Hawlaha Guud u qoray Shirkada Telesom oo soo gaadhay Xafiiska Wargeyska Foore ayaa u qornayd sidan “Waxaan idinla socodsiinaynaa inaanay haboonayn in la isdhex dhigo Xarumaha Maamulka Dawlada iyo shirkadaha Gaarka loo leeyahay hawlahooda iyo dhismayaashooda, Sidaas daraadeed waxaanu idin faraynaa in sida ugu dhakhsaha badan uga dhex furfurataan Qalabka Isgaadhiista (Tower-ka) eed leedihiin ee ku dhex rikiban xarunta Wasaaradda dhex deeda, Wixii Kharash ahna aad kala macaamiishaan Wasaaradda Shaqo galinta iyo Arimaha Bulshada”. Waxaa ku saxeexnaa Warqadaasi Wasiirka Hawlaha Guud,Dawladdaha Hoose Iyo Guryaynta Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.

GABILEY.NET