Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Addis Ababa: Labo askari oo toogasho lagu dilay

Khamiis, October, 04, 2018 (GNN)-  Askari cabsan oo ka tirsan booliska Itoobiya ayaa bartamaha magaalada Addis Ababa ku toogtay labo askari oo ka tirsan booliska,sida u sheegay taliyaha booliska.
Taliyaha booliska Federaaka Itoobiya, Zeynu Jemal ayaa inta ku daray in toogasho lagu dilay askarigii cabsanaa,lamana sheegin khasaaro inta ka badan oo ka dhalatay rasaasta uu furey askariga cabsanaa.
Booliska ayaa xirey  waddada ay toogashada ka dhacday ee degmada Bole oo ku taalla bartamaha magaalada Addis Ababa,ka hor intii aysan dib haddana u furin.
Addis Ababa ayaa ka mid ah goobaha ugu amniga wanagsan dalka Itoobiya ee ka nabadgalay rabasho ka socda magaalooyin kale oo dalkaas.

%d bloggers like this: