Booliis Isku Laayay Badhtamaha Magaalada Addis Ababa + [ Sababta ]

Addis Ababa (GNN):- Booliis khamri cabsan oo

Itoobiyaan ah ayaa labo askari oo kale oo la shaqaynayay ku dilay magaalda caasimadda ah ee Addis Ababa, sida ay ku warrantan warbaahinta dawladda lala xidhiidho ee FANA oo soo xiganaysa taliyaha booliiska Zeynu Jemal.

Image result for Addis Ababa

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in toogasho lagu dilay askarigii cabsanaa.

 

Toogashada ayaa ka dhacday deegaanka Bole ee bartamaha magaalada, halkaas oo booliisku ay jareen waddooyin ka hor intii aysan dib haddana u furin, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.