Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Caabud-waaq: Soomaali ka soo carartay colaadda ay ku haysay Oromada Itoobiya oo gargaar dalbaday

Jicmo, October, 05, 2018 (GNN) –  Ku dhawaad 50 qoys oo kasoo barakacay colaadda Soomaali Galbeed ee Oromada iyo Soomaalida ayaa  gaaray degmada  Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Qoysaskan oo isugu jira carruur iyo dad da’ah ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga inay gurmad usoo sameeyaan,iyagoo sheegay in hantidoodii la dhacay.
“Xoolo iyo beero ayaan lahayn intiiba waxaa naga qaatey Oromada ,guryihiina naga gubey…  maanta wax aan heysano maleh bacaan ku hoos jirnaa.” Saynab Cali oo 75 jir ah ayaa sida u sheegtay warbaahinta.
Canab Cabdi Cali, guddoomiyaha xerada ay dagan yihiin dadka soo barakacay ayaa sheegtay qoysaska ku nool xerada inay heysato dhibaatooyin kala duwan oo hoyga iyo cunada ugu horreeyso, iyadoo inta ku darta xata biyo nadiif ah inaysan helin.
“Dadkan waxay ahaayeen dad aan waxba wadan, qaarkood ayaa xata carruurtii ay dhaleen ka soo tagay oo awoodi waayay inay halkan soo gaarsiiyaan.” Canab Cabdi ayaa sida sheegtay, waxaa ay ku baaqday si deg deg ah in qoysaskan loogu soo gurmado.
Isku dhacyada qowmiyadaha Itoobiya, gaar ahaana Soomaalida iyo Oromada ayaa sababay boqollaal qoys inay usoo barakacaan gudaha Soomaaliya,waxaana ka mid ah goobaha ay dadku ku soo barakaceen deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag iyo gobollada kale ee waqooyiga.
GABILEY.NET

%d bloggers like this: