DEG DEG Ciidan Gadooday Oo La Wareegay Qaybo Kamida Gacan Ku Haynta Magaalada Garoowe,Iyo Cabdi weli Gaas Oo Talo Ku Cadaatay

Ciidanka madaxtooyada Maamulka Puntland oo ka gadooday mushahar la’aan ayaa saaka Xidhay wadada laamiga ah ee aadda dhinaca wasaaradaha iyo xarunta madaxtooyada Garoowe.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa ku waaberiistay ciidan hubaysan oo gaadiidka celinaya kuna amraya in aysan isticmaali karin laamiga u baxa dhinaca wasaaradaha iyo madaxtooyada.

Saraakiil ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la hadlay warbaahinta BurcoOnline Ayaa sheegay in wax mushahar ah qaadan mudda 7 bilood ah,islamarkaana ballanqaadyo loo sameeyay in ay lacagtooda heli doonaan aysan waxba ka hirgelin.

Saraakiishu waxay intaas raaciyeen in ciidanka madaxtooyada Puntland ay tan iyo bilowgii sannadkaan ilaa saddex jeer mushahar la’aan u gadoodeen,balse mar walba ballan-qaadyo loo sameynayay welina haysan helin xuquuqdooda.