Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Ciyaaryahan Arda Turan Oo Lagu Soo Eedeeyay In Uu Sanka Jabiyay Fanaan Caan Ka Ah Turkiga

Goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taala dalkaasi ayay wararku sheegayaan in uu khilaaf ku dhex maray labadan nin ee ciyaaryahanka iyo heesaaga ah, halkaas oo uu ku dhex maray dagaal gacan ka hadal oo ah oo sababay in ciyaaryahanku Turan uu sanka jabiyay heesaaga Berkay.Ciyaaryahanka caanka ah Arda Turan ayaa ay su’aalo weydiiyeen Booliska dalkaasi ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu gacan u qaaday Heesaa dalka Turkiga caan ka ah oo lagu magacaabo Berkay Sahin.

Xiddiga Caanka ah ee Turan ayay muddo saddex saacadood ah su’aalo weydiinayeen ciidamada Boolisku, kuwaas oo uu ugu tagay saldhigooda.

Ciyaaryahankan ayay marka hore isku dhaceen xaaska Fanaanka, ka dibna waxa ay u soo gudubtay labadooda, halkaas oo uu dagaal ku dhex maray.

GABILEY.NET

 

%d bloggers like this: