Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Dawlada Somaliya Oo Qatar U Fasaxday Inay Dhoofsato Nooc Ka Mid Ah Duurjoogta Dalka Somalia + [ Tiradooda Iyo Nooca Ay Duur Joogtu Tahay ]

Moqdisho (GNN):- Dowladda Soomaaliya ayaa u

ogolaatay dalka Qatar inay dalka ka dhoofsadaan nooc ka mid ah duur-joogta, sida ku cad qoraal ay heshay warbaahinta.

Related image

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qatar loo fasaxay inay Soomaaliya ka dhoofsadaan 14 noole duurjoog ah, gaar ahaan sakaarada, oo ah xoole hilibkiisu aad u dhadhan macaan yahay.

 

Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cumar Nuur ayaa lagu sheegay in safaaradda Qatar loo fasaxay 14 Sagaaro, kuwaasoo la sheegay in la baaray caafimadkooda.

Amiirada dalalka Khaliijka ayaa si weyn caan ugu ah ugaarsiga, waxaana hadiyad lagu siiyaa Duurjoog kala duwan, dalal badan oo Afrikaan, laakiin waa markii ugu horeysay si rasmi ah loogu fasaxo mudooyinkan danbe.

Ma cadda, haddii arrintan tahay mid hal mar-dhacday iyo inay jiraan kiisas kale oo la mid ah oo Qatar loogu fasaxay dhoofsiga duurjoogta Soomaaliya, kuwaas oo aan laga warqabin.

%d bloggers like this: