Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay La Xisaabtamayso Hay’addaha Amniga Ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in maamullada degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha lugu xisaabtamayo amniga caasimadda Muqdisho.

“Wixii hadda ka dambeeya dowladda waxay la xisaabtamaysa hay’adaha ammaanka.” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha  Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Wasiirka ayaa inta ku daray in wasaaradda Amniga ay la imaan doonto qorsho cad oo lagu sugi doono amniga caasimadda,isla markaana ay ka wada hadli doonaan guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Dardar gelinta amniga ayaa naga go’an, waxaana hay’adaha ammaanka loo shaqo galin doona sidii bishii Ramadaan ee la soo dhaafay oo kale.” ayuu yiri Maxamed Abuukar Islow.

Wasiirka amniga ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad looga hadlay ammaanka oo Jimcihii lugu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadda lugu soo bandhigay ciidamo dheerad ah oo howlgallada amniga ka qaybqaadanaya ShareThis

 

%d bloggers like this: