[Deg Deg] :- Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Oo Mar Kale Loo Doortey Gudoomiyaha EPRDF

Addis Ababa (GNN):-Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa markale loo doortay guddoomiyenimada xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF oo ay ku bahoobeen afarta xisbi ee ay leeyihiin qowmiyadaha Oromada, Amxaarada, Tigreega iyo Shucuubta Koonfureed.

Guddoomiyaha xisbiga EPRDF ahna Guddoomiyaha xisbiga Oromada ee ODP

Xisbiga EPRDF oo shirweynahiisa 11aad maalintii labaad uu uga socdo magaalada Hawassa ayaa waxaa lagu falanqeeyey arrima ay ka mid yihiin:

Xaaladda siyaasadeed uu dalku haatan ku sugan yahay

Xaaladda Amni uu dalku haatan ku jiro

Dagaal beeleedyada dalka ka taagan iyo dhibaatooyinka ka abuurmay

Kobaca dhaqaalaha dalka sidii wax looga qaban lahaa iyo

Isbeddellada siyaasadeed ee dalka ka billaawday sidii loo derder gelin lahaa.

Afarta xisbi ee ODP, TPLF, ADP iyo SPDP oo shirar gooni gooni ah yeeshay waxay dib u soo dhiseen hoggaanka sare ee xisbiyadaasi iyo xubnaha uga mid noqon lahaa xisbiga EPRDF ee ay ku bahoobeen.

Waxayna afarta xisbi siyaasadda ka fadhiisiyeen rag badan oo rug caddaa ahaa oo ka soo qayb qaatay aasaaska uruurradaasi kana soo qayb qaatay dagaalkii lagula jiray dowladdi Mangistu H/Maryam, oo si sharaf leh lagu sagootiyey boosaskoodina lagu beddelay aqoonyahanno dhalinyara u badan.

GABILEY.NET