Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Oo Warbixin Golaha Wakiiladda Ka Siiyay Tirakoobkii Shaqaalaha

Hargaysa(GNN)Subaxnimadii hore ee maanta ayey ahayd kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu hor tegtay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada somaliland halkaas oo warbixin buuxda iyo waydiimo isku waydaarsadeen guddida

Intii Kulanku socday Ayuu Sharmaake Geele ka warbixiy hiigsiga fog ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, hayaanka loo marayo iyo hilinka ay hadda Hay’addu hayso.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa u sheegtay Xildhibaanada in aan dhawaan golaha Wakiilada hor keeni doonno xeerka
Shaqaalaha Dawladda Sharci Lamb.07/96 oo wata dhammaan siyaasadihii loo baahnaa si ay kaabis iyo wax ka bedel kadib u ansixiyaan.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa sida oo kale Xildhibaanada Golaha Wakiilada uga warbixisay dedaalkii dheeraa ee loo galay helitaanka kaydka xogta Shaqaalaha Dawladda, samaynta siyaasadihii Kobcinta Shaqaalaha Dawladda iyo tallaabooyinka xiga

Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilada ayaa dhankooda waydiimo iyo xog-waraysi balaadhan la yeeshay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyaga oo ugu dambayn tallo, tilmaam iyo taageero-ba u muujiyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

GABILEY.NET