Halkee Ayay Iska Seegeen Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Jaamac Shabeel?

Hargeysa(GNN):-Waxa wali taagan khilaaf adag oo u dhaxeeya madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige(Shabeel).

Waxaanu akhristayaasha u soo bandhigaynaa  halka uu ka istaadhmay xidhiidhka Xumaaday ee u dhexeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Gudoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee aakhirkii sababay in Mar qudha Jaamac Shabeel laga wada caydhiyo Xubinimadii iyo Gudoomiyinamaddii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

Sida ay tibaaxayaan xogo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska FOORE helay xubno firfircoon oo Xisbigaasi ka tirsan oo aad ugu dhuun daloolayay halka uu ka bilaabay khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha Somaliland, Ahna Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi

Cabdi iyo Gudoomiye Jaamac Shabeel oo muddo dheer saaxiib dhaw ahaa islamarkaana arimo badan kasoo wada doogay ayaa iftiimiyay in ka hor Xeerkan Kufsiga ee uu Gudoomiye Jaamac Shabeel ka hadlay ee lagu xidhiidhiyay bar bilawga khilaafkooda ay ka hor kulamo yeesheen kuwaasi oo la xidhiidhay arimo siyaasadeed oo ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye Gudahiisa, waxaana xogahaasi sheegeen inay kulamadaasi ay ku kala kaceen oo ay isku afgaran waayeen.

Sida Warkan aanu ku helnay Waxa uu Jaamac Shabeel mudooyinkii u dambeeyay kulamo la yeelanayay oo uu rafiiq la noqday Kooxo Xisbiga Kulmiye ka tirsan oo qaarkood Wasiiro kasoo noqdeen Xukuumaddii hore ee Siilaanyo kuwaasi isku bahaystay inay culays siyaasadeed ku saaraan Madaxweyne Muuse Biixi inuu iska wareejiyo Booska Gudoomiyenimada Kulmiye, kuwaasi oo uu Madaxweyne Muuse Biixi si hoose ula socdo dhaq dhaqaaqooda iyo hadba halka ay cagta dhigayaan waxaana la sheegay inuu madaxweynuhu maalin maalmaha ka mid ah ka war helay kulan uu Jaamac Shabeel kooxahaasi la yeeshay islamarkaana uu si toos ah ugu sheegay inuu ogyahay hawsha uu faraha kula jiro.

Warar kale ayaa sheegaya inuu Jaamac Shabeel si toos ah  ugu badheedhay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu u soo jeediyay inuu iska wareejiyo Booska Gudoomiyenimada Kulmiye oo uu ku wareejiyo shaqsi la sheegay inuu markaasi magacaabay, arintaasi oo uu sida la sheegay Jaamac Tusaale ugu soo qaatay wakhtigii uu Muuse Biixi Doonayay Gudoomiyenimada Kulmiye in lagu wareejiyo iyo sidii uu ula soo dagaal galay, waxaanu sida la sheegay u sheegay inaanu jeclayn inuu Muuse ku kaco wixii ay shalay kasoo wada dagaalameen ee si bilaa shuruud ah u wareejiyo Gudoomiyaha Kulmiye, waxaanay arintaasi keentay inay aad ukala fogaadaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo jaamac shabeel islamarkaana loo arko inuu Jaamac Shabeel fawdo ka dhex hurinayo Xisbiga Gudihiisa waxaanay taasi keentay in gabi ahaanba daaqada laga wada saaro oo aan loo kale reebin.

Jaamac shabeel ayaa maruu dhawaan shir jaraa’id qabtay warbaahinta ka sheegay inuu khilaaf ka dhexeeyo isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi, khilaafkooduna salka ku hayo Xeerka buuqa badan dhaliyay ee Kufsiga balse waxa uu Wargeyska Foore soo ogaaday in arimahaasi kor ku xusani ee siyaasadeed iyagoo jira uu Jaamac Shabeel qaab kacsanaani kujirto uu uga hadlay Xeerka Kufsiga, taasina ay keentay lasoo dedejiyo in gabi ahaanba Xisbiga laga eryo. Dad badan ayaa rumaysan inaanu Jaamac Shabeel Xubinimadii Xisbiga iyo Gudoomiyenimaddiiba ku waayi Kareen Qaabka uu uga hadlay Xeerka Kufsiga balse ay jiraan arimo hore oo huursanaa oo uu farta ugula jiray taasi oo aanu raali ahayn Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Ahna Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

GABILEY.NET