Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Furtay Dib-u-eegista & Kaabista Sharciga Shaqaalaha D/Somaliland

Hargeisa(GNN):-Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa 22 sanno oo hay’addaasi jirtay ka dib hada dib u daahfurtay dib u eegis iyo Kaabis lagu sameynaayo sharciga shaqaalaha kala duwan ee dawladda.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Furtay Dib-u-eegista iyo Kaabista Sharciga Shaqaalaha

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Furtay Dib-u-eegista iyo Kaabista Sharciga Shaqaalaha

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Aftahannews.com soo gaadhay caawa oo ka soo baxay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Xafiiska Wararka u qaabbilsan, waxaanu qoraalka Warkaasi u dhignaa sidatan:- “Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa tafaasiil ka bixiyey kulan balaadhan oo hay’adda shaqaalaha dawladdu ku qabatay Caasimadda Hargeysa, kulankani oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Arimaha bulshadda G. Wakiilada, Garyaqaan ku xigeenka guud ee Qaranka, madax ka socotay Waaxaha Sharciga ee Wasaaraddaha iyo Hay’adda dawladda, ayaa shirkani lagu daahfuray Kaabista iyo wax ka bedelka sharciga ee shaqalaha dawladda Sharci Lamb. 07/96.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxaayey Kulankani Sharciyadda Shaqaalaha dawladda dib loogu habaynaayo waxa uu hadalkiisa u dhignaa. -Kulan balaadhan oo ay soo agaasimeen Hay’adda Shaqaalaaha Dawladda isla markaana ay ka soo qayb-galeen; Gudoomiyaha Guddi hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Gollaha Wakiilada, Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Agaasime-waaxeedyada maamulka Cudduda Shaqaalaha iyo madaxda waaxaha Sharciga ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ayaa lagu daah-furay kaabista iyo wax ka bedelka Sharciga Shaqaalaha Dawladda Sharci Lamb. 07/96.

-Intii kulanku socday ayaa lagaga wada hadlay kaabista, wax ka bedelka iyo hannaanka loo marayo ansixinta Sharciga Shaqaalaha Dawladda oo mudo 22-sanno ah u baahnaa dib-u-eegis iyo wax ka bedel si uu u noqdo mid si buuxda uga jawaabi kara xuquuqaha iyo waajibaadka Shaqaalaha Dawladda

-Iyadoo horay loo sameeyey 16 Siyaasado iyo hageyaal isugu jira oo dhamaantood la xidhiidha kor u qaaddida cudduda shaqaalaha Dawladda ayaa kaabista iyo wax-ka-bedalkan lagu samaynayo sharciga shaqaalaha Dawladdu-na noqon donnaa mid ka jawaaba baahiyaha dhabta ah ee la xidhiidha duruufaha dhabta ah ee Shaqaalaha Dawladda.

-Waxaa xaqiiq ah in hiilka iyo habaynta ugu balaadhan ee Shaqaalaha Dawladdu u baahanayeen ay ka mid ahayd samaynta Siyaasado iyo Sharci u damaanad qaada helitaanka; kobcin, qiimayn, dalacaad, carbin, xuquuq, magdhaw, horumarin, tababar, xog-keydin, shaqo daadajin, jihayn IWM kuwaas oo imika dhamaantood dhamaad ku dhaw isla markaana shaqaalaha Dawladda ka dhigi doona kuwo dhan walba ka dhamaystiran.

-Illaahay Fadligii waxaa si wanaagsan u socda hayaanka loogu jiro in Shaqaalaha Dawladda JSL noqdaan Shaqaalaha ugu haynta iyo haybada badan.” sidaa ayaa lagu yidhi Warkan Qoraalka ah ee naga soo gaadhay Hay’adda Shaqaalaha dawladda.