Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka qayb-gashay kal-fadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirada JSL, warbixin dhamaystiran oo ay siisay iyo go’aamo kasoo baxay.

Hargeisa(GNN):-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa warbixin dhamaystiran siisay Golaha Wasiirada JSL halkaas oo aan kaga hadalnay; tirada shaqaalaha dawladda , tayadooda iyo tallaabooyinka degdega ah ee u qorshaysan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

-Haddaba, kulankan oo uu gudoominayey Madaxweynaha JSL isla markaana uu ku sugnaa Madawxeyne-ku-xigeenka JSL ayaa Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu kaga hadashay in ay si buuxda u xidheen tirintii shaqaalaha Dawladda isla markaana ay bilaabayso buuxinta kaalmihii shaqo ee soo baxay si ay fursad ugu noqoto dhalinyarada JSL

-Intii kulanku socday Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay Golaha u bandhigtay siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah koboca shaqaalaha dawladda oo dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu samaysay halkaas oo aan u sheegnay in aan dhawaan golaha keeni doonno si kaabis iyo ansixin loogu sameeyo.

-Ugu dambayn, Golaha Wasiirada JSL ayaa bogaadiyey hawl-qabadka Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku samaysay diiwaan iyo kayd raandhiis leh oo shaqaalaha Dawladdu yeesheen abid iyo siyaasadaha loo sameeyey in lagu dhaqo shaqaalaha Dawladda oo aan horay u jirin iyaga oo go’aamo-na kalfadhiga kasoo baxeen.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maalmahan soo bandhigi doonta qorshaha hawl-qabadka shaqaalayanta Insha Allah iyo nidaamka loo marayo.