In Ay Guursato Waxa Ay Ka Dooratay In Ay Dhaqato Dibigan

“Ramu waa wiilkeyga oo kale, billado ayuu ku guuleystay, waxaase intaas ka muhiimsan in uu yahay mid sharaf badan usoo jiiday qoyskayaga” ayay tidhi haweenaydan oo diidan in ay nin guursato. Dad badan ayaa ku waxyeeloobay tartankan, iyada oo dibbiyada lagu tartamayo ay geeska dareen dad daawadayaal ah ama tartamayaal ah.
Qofka tartanka ka qeybgalaya waa in uu xajin karaa dibbiga illaa uu ka gooyo masaafo dhan 20 mitir, kadib ayuu heleyaa abaalmarin ku xidhan geesaha dibiga.
Isaga oo 10 sano jir ah ayay soo iibsatay, wixii markaas ka dambeeyayna waa ay xanaanaysay. Go’aankeeda ah in aanay guursanin waa