Maareeyaha Dekeda Berbera Oo La Weydiiyay In Ethiopia Ay Ku Soo Marti Qaadeen Xafladii DP World iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay

Hargaysa (GNN) Maareeyaha Dekeda Berbera Oo La Weydiiyay In Ethiopia Ay Ku Soo Marti Qaadeen Xafladii DP World iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay

Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay marti qaad rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia si ay ugala soo qayb galaan Xafladda Shirkadda Dp World ay ku dhagax dhigaysay Balaadhinta dekeda Cusub ee Somaliland.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in ay xukuumaddoodoo marti qaad rasmi ah u dirtay dawladda Ethiopia, waxaana uu yidhi

 “Ethiopia Haddii ay Ka Maqnaato iyo Hadii ay joogtaba Saxeex Baa Dhacay, Markaa Imaanshahani waa xaflad uun, hadii ay Ethiopia Mashquul ka noqoto dhibaato ma laha, laakiin saxeexii wuu dhacay, markaa wixii la saxeexday ayuun bay wax ku fulayaan hadii alle idmo” ayuu yidhi Maareeye

Mar la weydiiyay bal in ay xukuumadda Somaliland marti qaad u fidisay Xukuumadda Ethiopia waxa uu kaga jawaabay “Walaahi Runtii Waa La Casuumay, laakiin waad og tahayoo isbedel dheer baa ka socda Ethiopia dhexdeeda xaaladahaas awood mooyaane laakiin heshiiskii wuu dhacay” ayuu yidhi.