Madaxweyne hore Ee Dalka Koonfurta Kuuriy oo lagu xukumay 15-sano oo xabsi ah

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Kuuriya Lee Myung-bak ayaa lagu riday 15-sano oo xabsi ah, waxaana lagu eedeeyay Madaxweynaha in uu ku kacay Musuq maasuq intii uu xilka hayay.

Maxkamad ku taala magaalada Seoul ayaa shalay oo jimco ah 15-sano oo xabsi ah ku riday Lee Myung-bak, waxa sidoo kale Maxkamada ku amartay in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 11.5 milyan oo doolar.

Lee Myung-bak ayaa ka maqnaa maxkamada shalay xukunka ku riday , waxa uuna Madaxweynaha ku eedeeyay xukunka xabsiga ah ee lagu riday in uu yahay mid la xariirta siyaasad.

Xukunkan xabsiga ah ee lagu riday Madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Kuuriya ayaa ka dhigeysa Madaxweynihii afaraad ee dalkaasi u dhashay oo markii ay xilka ka degaan xukun xabsi ah lagu rido