Maxaa Ka Fulay Qorshihii Kobcinta Dakhliga Ee Wasaarada Horumarinta Maaliyadu u Jidaysay Inuu Kasoo Baxo Kastamada Dalka, Iyo Ku Talo Galka Odoroskiisii Miisaaniyada 2018.

“Waxka Ogow Wasaarada Maaliyada   Kastamada Cashuuraha Ee Ku Guulaystay In Ay Soo Saraan Odoroska Miisaaniyadii Loo Qoondeeyay 2018 Iyo Xogaha Ku Duugan”.

Hargeisa(GNN):-Wasaarada Horumarinta Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland Ayaa sanadkii 2018 Odorostay Miisaaniyad Xadigeedu ka badan tahay tii 2017 30% Taasi oo siyaabo kala duwan loogu Qoondeeyay in ay kasoo baxdo goobaha dakhli ururinta dalka  guud ahaan iyadoo ay goobaha miisaaniyadani kasoo baxayso ee ugu waawayn ay yihiin kastamada Cashuuraha  iyo Waaxda cashuuraha barriga .

Waxaynu qormadan ku falanqayn doonaa waaxda kastamada cashuuraha & waaxda cashuuraha barriga iyo sida ay qaarka kamida kastamada waawayn ugu guulaysteen in bishii sagaalaad ee sanadkaba soo saaraan miisaaniyadii loo qoondeeyay 2018kii iyo kuwa aan wali aanay u suurtoobin in ay dhamaystiraan miisaaniyadii loo qoondeeyay waxaana xusid mudan in wali aanay dhamaan mudadii loogu talo galay in ay soo xidhanto miisaaniyad sanadeedka 2018.

Hadii aynu ku Horayno kastamada Waawayn ee dalka Guud Ahaan ayaa Waxay kala yihiin ;

Kastamka Magaalada Berbera
Kastamka kalabaydh
Kastamka Saylac
Kastamka Boorama
Kastamka Caynabo
Kastamka Laascanood
Kastamka Wajaale
Kastamka Balay Gubadle

Guud ahaan Somaliland kastamada cashuuraha  kuwa Ugu waawayni  marka laga reebo meelo kale oo yar yar oo iyagana wax lagu cashuuro.

Wasaarada Horumarinta Maaliyada ayaa waxaa Mudooyinkii Udanbeeyay Aad looga Dareemayaa in ay guud ahaan hawlwadeenada wasaarada ay isla jaan Qaadeen iyadoo bilowgii hore ay ka muuqatay Isfahan la’aan guud oo wasaarada ka jirta balse xiligan ay cagta isla heleen, Taasina ay Bud-dhig u Noqotay in Sidii loo Qorsheeyey Dakhli ururinta Cashuuraha dalka ee Wasaarada Maaliyada jsl.

Waxaana xusid mudan in maamulayaasha kastamada waawayn iyo waaxaha kale ee la xidhiidha cashuuraha ay ku jiraan xubno leh aqoon iyo waayo aragnimo shaqo kuwaasi oo suurta galiyay in ay xiligan ka dhex muuqdaan Wasaarada,

Kastamka Balabaydh ee Gobolka Gabiley Waa kastamka labaad Ee Dalka Wuxuuna laf dhabar u yahay guud ahaan Dhaqaalaha Jamhuuriyada Somaliland ay ku tiirsan tahay.

Maamulka kastamka Kalabaydh Oo Uu Wasiiraka wasaarada Maaliyadu U magacaabay  Xubno waayo aragnimo,aqoon dheer u leh habka ururinta cashuuraha ayaa iyagu noqday xiligan in ay ku guulaystaan in ay bishii sagaalaad Ee sandkan  soo saaraan miisaaniyadii loo qoondeeyay  in ay kasoo xarooto kastamka kalabaydh.

Sidoo kale maamulka kastamka kalabaydh ayaa ku guulaystay in ay soo saaraan 30% dheeraad ah ay kordhiyeen Dakhligii kasoo Xaroon jiray kastamka taasi door wayn ka qaadanaysa in wasaarada maaliyadu ku guulaysato odoroskii sanadka 2018

Dadaalkan iyo gunti giijiska ay sameeyeen maamulka kastamka kalabaydh waxay tusaale muuqda u tahay hawl Wadeenada wasaarada maaliyada iyo masuul kasta oo shaqadii uu qaranka u hayay kasoo baxay. Waa mid mudan in lagu amaano sida xilkasnimada ah ee ay u guntadeen hawlaha qaranka.

Dhanka kale maamulka kastamka boorama ayaa iyaguna sameeyay dadaal wayn kaasi oo ay ku guulasyteen guud ahaan dahligii laga filayay sandkan  in ay kor uqadaan waana markii ugu horaysay ee maamulka wasaarada maaliyada ee gobolka awdal ay doorkan ciyaaraan

Kastamka koowaad ee dalka waa kastamka berbera kaasi oo sanadkana helay fursado badan oo u suurto galiyay in ay kor u kacdo dakhligii kasoo xaroon jiray fursadahaasi oo ay ka mid ahayd dhoofkii xoolaha xajka kor uqaadid lagu sameeyay tacriifada gaadiidka iyo dabcan lambarka gadiid

Kuwaasi iyo kuwo kale oo badan ayaa waxay u suurto galiyeen in ay soo saaraan dakhli ka badan odoroska miisaaniyadii loo qoondeeyay sanadkan in ay soo xareeyaan,

Guud ahaan kastamda iyo kuwo kale oo aynu falayqayndoono waxay suurto gal ka dhigayaan in ay is xidho odoroska miisaaniyadii 2018 taasi oo bilow u ah miisaaniyada xukuumada madaxwayne muuse biixi ayna tahay miisaaniyadii ugu horaysay mudo xileedkeeda shanta sano

Lasoco qormadeena danbe iyo qaybo xiiso leh oo kale.

 

Saxafi Madax Banaan.
Cabdiqaadir Habane
Hargaysa Somaliland