Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Maxamed Bin Salman Oo Si Aan La Fileyn Uga Jawaabay Bah-Dilkii Donald Trump Kula Kacay Boqortooyada Sucuudiga

Jiddah (GNN):- Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin  Salmaan ayaa amaanay xxidhiidhka boqortooyada kala dhaxeeya maamulka iminka ee Mareykanka, maalmo kadib markii madaxweyne Trump uu bah-dilay boqor Salmaan, oo uu sheegay in la’aanta Mareykanka aanu xukunka joogeen laba toddobaad.

“Waan jeclahay inaan la shaqeeyo Trump” ayuu Bin Salmaan u sheegay warbaahinta Bloomberg, isaga oo intaas ku daray in labada hogaamiye ay wax badan uga guuleysteen Bariga Dhexe, gaar ahaan xagjiriinta, argagixisada iyo kooxda Daacish.

Waxa uu sheegay in ay caadi tahay in xulufada mararka qaar ay is-khilaafaan, isaga oo tix-raacayey hadalka Trump.

“Ma dhici karto inaad ahaataan saaxiibo 100% iska sheega wax wanaagsan. Xitaa taas kama heleysid qoyskaaga, mar walba waxaa jiraya isfaham waa. Marka taas maskaxda ayaan ku haynaa” ayuu yidhi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayey gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Sacuudiga ay tahay inay lacag ku biixiyaan difaaca ay ka helaan Mareykanka, maadaama dalkaas uu yahay dal hodan ah.

“Waxaan ku iri, ‘iga raali noqo, boqor Salman, ma dhib ayaad u aragtaa inaad bixiso lacagta ciidamada militariga Mareykanka’, kadib boqorka wuxuu iigu jawaabay ‘arrintan weligey cid ima weydiin’, waxaan kadib ku iri ‘aniga ayaa hadda ku weydiinaya, boqor’” ayuu yidhi Trump.

Inkasto Maxamed Bin Salman uu bixiyey jawaab daciifnimo ah ,haddana wuxuu gadaal kasii raaciyey “Dowladda Sacuudiga waxay jirtay Mareykanka ka hor 30 sano, Boqortooyadana lacag kuma bixin doonto in amaankeeda la sugo”

GABILEY.NET

%d bloggers like this: