Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Melania Trump Oo booqasho ku joogta dalka Kenya

Jicmo, October, 05, 2018 (GNN) – Marwada koobaad ee waddanka Mareykanka, Melania Trump, ayaa waxa ay dalka Kenya ku soo gaartay booqashadii ay ku maraysay afarta dal ee Afrikaanka ah.

 Booqashadeeda Kenya ayaa la filayaa in ay diiradda ku saari doonto arrimaha la xiriira dhaqanka iyo ilaalinta duurjoogta.

Waxaa la xiray qeybta ka mid ah elaboorka caalamiga ah Jomo Kenyatta markii ay soo caga dhiganaysay diyaaraddii sidday Melania Trump. Waxa ayna maamulku qorsheeynayaan in marka ay dalka ka baxayso ay sidaa si lamid ah sameeyaan.

Inta ay joogto dalka Kenya waxa ay booqan doontaa xarumaha ugu caansan ee lagu dhaqaaleeyo duurjoogta, sidoo kalana waxa ay daawan doontaa ruwaayad lagu soo bandhigaya Tiyaatarka Qaranka ee Kenya.

Dhanka kale Melania Trump ayaa markii labaad la kulmi doonta dhigeeda marwada koobaad ee dalka Kenya. Waxa ayna Margaret Kenyatta ku amaantay ololeheeda ay ugu magacdartay “Beyond Zero” kaas oo lagu hormarinayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Marwada u dhaxda Donald Trump ayaa iyadana la imanaysa ololeheeda loogu magacdaray ”Be Best” kaas oo lagu doonayo in lagu hormariyo nolosha caruurta.

Ilaa iyo haatan qaaradda Africa si diiran ayaa loogu soo dhaweeyay balse hadalladii adkaa ee uu Africa seeygeeda Trump u adeegsaday bishii Janaayo ee aynu soo dhaafnay ayaa dadaaladeeda mugdi galinaya.

Xigasho/BBC

%d bloggers like this: