Mukhtaar Rooboow oo leyska hortaagay in uu u tartamo doorashada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed

Jicmo, October, 05, 2018 (GNN) –Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horey uga mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, laakiin sanadkii hore isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay uga dhawaaqay magaalada Baydhabo in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Rooboow oo dadweyne kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu aqbalay codsi uga yimid bulshada sidaa daraadeed yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Laakiin qoraal ka soo baxay wasaaradda Amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa leysaga hortaagay Rooboow in uu u tartamo xilka doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed :

Qoraalka Wasaarradda Amniga ayaa u dhignaa sida :

Wasaarada amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba.

Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulinaysana go’aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya cafiska ugu fidiyey dhammaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay.

Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha.

Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhammaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaran yihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen.

Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed.

Lama oga jawaabta uu Mukhtaar Rooboow uu ka bixin doono warka ka soo yeeray wasaarradda Amniga gudaha dowladda Soomaaliya.

GABILEY.NET